Macal Qabad Dilaal Iyo Malaal,Maal La Wada Boobo.Musuqmaasuq Somalilan,Meheradeen Weeye.
Bismillaahi Alraxmaan Alraxiim [A.S.C.W.R.W.B]
Tu Khaas Ahna Bahda H/W Iyo Akhristayaasha.
Maalkii Agoonta Iyo Miskiinada,Maatidiyo Caydha,
Madaxdeeni Waxay Kula Shurkeen,Maal Qabeenda,
Maadhiyo Ma Guurtaba Madhshe,Mudan La Moodkii,
Mufti Iyo Wadaad Kama Hadlo,Way Maslaxanyiinba,
Maxkamadiyo Haddii Gole Jiran,Lama Masruufteen,
Ma Qarsoonto Moorada,Cid Kale Laga Marorshaye,
Mudo Qaadata Iyo Mardhaw,Kaad Matagi Doontiin,
Melefsadaay Muriyo Boog,Mida Naga Macaashtan,
Marmarsiinyo Magac Dawladeed,Lagu Muradaysto,
Mooraduuga Maalkii La Dhacay,Moodkii Iyo Noolba,
Magdhawgooda Way Bixin Kuwa,Maaruqee Cunaye,
Meelay La Gaadhaba,Xaqbaan Laga Mildhaabaynin.
Ismail Abdillahi Handuleh.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!