Madaxwaynaha Somaliya Oo Kulan La Qaatay Hogaamiyaha SSC-KHaatumo
Madaxweynaha
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu
wehelinayo Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa ku
qaabilay Madaxtooyada Qaranka hoggaamiyaha SSC Khaatumo Mudane Cabdiqaadir
Axmed Firdhiye.
Madaxweynaha ayaa
warbixin ku saabsan xaaladda guud ee deegaannada SSC Khaatuma ka dhageystay
Hoggaamiye Cabdiqaadir Axmed Firdhiye, Isagoo la wadaagay Madaxda heer Federaal
aragtida, hiigsiga dadka deegaannadaas iyo caqabadaha nololeed ee ka dhasahy
dagaalka.
Madaxweyne Xasan Sheekh
Maxamuud ayaa tilmaamay in bulshada ku dhaqan deegaannada SSC Khaatumo maanta
looga baahan yahay in ay xoogga saaraan sidii loo ilaalin lahaa nabadda,
wada-noolaanshaha bulsho iyo xasilloonida deegaannaadaas.