DEG DEG Shiinaha Oo Ka Badheedhay Taageerada Uu Siiyo Kooxaha Ka Dagaallamaya Laascaanood SAWIRO

0
Wednesday October 11, 2023 - 18:24:14 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 3457
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    DEG DEG Shiinaha Oo Ka Badheedhay Taageerada Uu Siiyo Kooxaha Ka Dagaallamaya Laascaanood SAWIRO

    Shiinaha ayaa muddooyinkii dambe lagu eedaynayay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shiinaha ayaa muddooyinkii dambe lagu eedaynayay



Hoggaamiyaha Laascaanood Cabdiqaadir Firdhiye ayaa lagu qaabilay safaaradda shiinuhu ku leeyahay magaalada Muqdisho.


 

Mr Firdhiye ayaa la kulmay madaxda shiinaha oo uu safiirku ugu horreeyo, waxaana la sheegay inay ka wadahadleen arrimo ku saabsan xaaladda degmada Laascaanood.



 

Shiinaha ayaa muddooyinkii dambe lagu eedaynayay inuu taageero siiyo kooxaha ka dagaallama Laascaanood, kulankan ayaana ka dhigan in Shiinuhu ka badheedhayo kaalinta uu kulahaa dagaalka Laascaanood.


 

Xidhiidhka Somaliland iyo shiinuhu uu saddexdii sano ee u dambeeyey sii xumaanayay, iyada oo uu shiinuhu dhawr jeer warbaahinta mariyay hadallo ka dhan Somaliland.


 

Xiisadda Shiinaha iyo Somaliland ayaa ka dhalatay xidhiidhka saaxiibtimo ay Somaliland la yeelatay dalalka Taiwan iyo Maraykanka oo xafiiltan badani ka dhexeeyo Shiinaha, taas ayaana loo aanaynayaa in Shiinuhu uu ku lugyeesho colaadda ka dhacday magaalada Laascaanood.


 

Ugu dambayn xukuumadda Somaliland iyo saaxiibadeeda beesha caalamka ayaa isha ku haya kulankan xasaasiga ah ee ka dhacay magaalada Muqdisho.







Loading...
Loading...