Gabooye: Waa Beelaha La Heyb Soco Ee Reer Somaliland.
Wasarada caafimaad ka oo ah wasarada ha ugu shaqaalaha baden somaliland mudo 6 sano oo aan la shaqeynayey hal_qof ayaan lo shaqaleysiyey, shaqalaha wasarada caafimaad ka aan sida dhaw ula shaqeyneyey waxey kor u dhafayaan 500 shaqaale ah kana tirsan wasarada caafimaad ka. Hadaan u badiyo beelaha gobooye waxey ku lee yihin saddex_qof, hadeyna ba ka yareyn. (3/500).
Wakhtiyada shaqalaha la qadanayo, malaha cid u dooda, mana jirto cid u dhago fudud, mana laha degaan saami shaqaale ay ku helaan, inta badena reeraha waa weyn baa la iska ilaashaa iyaga ciddina hoodh ku ma qoysato, waana xaqiiqda dhabta ah ee ka jirta dhamaan Wasaradaha somaliland.
Miyaa loo quudhi wayey wixii kale hadii beelaha kala riixdeen waaweyni, nadifiso, washman & waxii la mida xarumaha dawlada iney kaga shaqeyaan. Xaqiiqdii waxaan u arkaa dulmi iyo quudhsi lagu hayo beelaha gabooye Ku masuliyadba haya malinteeda lagala xisaabtimi doono.
Talo_soo_Jeedin:-
Nadaafada magaaloyin ka hala gu wareejiyo inta shirkado loo sameeyo loona maal galiyo waayo waa dad shaqada jecel, jecel waxqabsiga.
Golaha_degaanka Hargeysa:-Bal wax kale ha danbeyan, hader dhaamka_daami ka aasa, ugana dhiga garoon cururtu kubada ugu ciyaarto.
waxaan kale oo aan soo jeedin lahaa in farsamada qacanta aad loo baro lana dhiiri galiyo hadey tahey tey hore u yaqaaneen iyo hadey tahey sida wasdaanimada, niyaarnimada, dab galinta guryaha,
Qore Nimcaan Mohamed muse
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!


0 





