Gobolka Sanaag: Gobolka Awoowayaasha, Khayraadka Iyo Quruxda Somaliland
Dalkasta waxa uu leeyahay gobol laf-Dhabar u ah taariikhda sooyaalkiisa, khayraadka dhulkiisa (Xoolo, kalluumaysi, beero, dal-xiis, macda iwm), quruxdiisa, wanaagga cimiladiisa iyo degsiimadiisa. Gobolka Sanaag waa gobol ku sifooba arrimahaas oo dhan iyo kuwo kaleba.
Gobolka Sanaag waxaa uu gobollada kale ee dalka Somaliland kaga duwanyahay oo aanay la wadaagin arrimaha soo socda:
1. Waa gobolka ay ka soo askuntay ummadda Somaliland isla markaana ay ku duuganyihiin awoowayaashii ay ka soo farcantay (The Cradle of Somaliland People and the Region of The Tombs of their Ancestral Forefathers). Waa gobolka awoowayaasha Somaliland. (The Region of Somaliland Forefathers).
2. Waa gobolka ugu weyn Dalka Somaliland xagga baaxadda dhulka oo lagu qiyaaso inuu dhulka Somaliland ka yahay 35%. Magaalo-madaxda Gobolka Sanaag waa Ceerigaabo.
3. Waa gobol qani ku ah xoolaha, beeraha, kallumaysiga, dal-xiiska, beeyada, ganacsiga, macdanta, midhaha, quruxda iwm.
4. Waa gobol aad u qurux-badan xagga muuqaalka dhulka iyadoo isku darsatay buuro dhaadheer oo cagaaran, xeebo aad u degan oo qurxoon, Kaymo, banan, taagag, togag iyo dooxooyin.
5. Waa gobol cimiladiisu aad u wanaagsan tahay oo xillikasta lagu noolaankaro.
6. Waxaa gobolka ku yaal buuraha ugu quruxda badan Somaliland sida Surad, Daalo iyo Calmadow.
BUURAHA SURAD, DAALO IYO CALMADOW
Gobolka Sanaag waxaa ku taalla buurta ugu dheer Somaliland oo magaceeda la yidhaado Surad (8,070 feet ayay ka saraysaa badda). Waxaa kale oo ku taal buurta Daalo oo aad u qurux-badan taas oo leh laagag dhaadheer oo aad daruuraha iyo xeebta hoos u eegeyso. Waxay Buurta Daalo hodon ku tahay boqolaal dhir oo kala jaad ah, gaar ahaan dhirta dhaadheer ee dayibka oo ku wanaagsan alwaaxda dhismaha. Waxaa kale oo ay leedahay kaymo isku dhafan, dhir kala jaad ah, waxayna bixiyaan ur aad u udgoon marka la dhexmarayo. Buurta Calmadow iyaduna waa buur dheer oo aad u qurux-badan oo cagaarkeedu dadka soo jiito kuna wanaagsan beeraha, xoolaha, macdanta, dal-xiiska iwm. Waxay leedahay dhir iyo geedo kala duwan oo qurux-badan.
Buurahan waxay aad ugu fiicanyihiin dal-xiiska oo haddii hudheelo laga dhiso soo jiidanaysa dal-xiisayaal badan oo ka yimaada dacallada dunida. Buurahan iyo dhulka Sanaag intiisa badan waxay hodon ku yihiin ciid aad tayadeedu u sarayso oo ay wax waliba ka bixikaraan iyo ilo iyo durduro biyo ah. Waxaa lagu beerikaraa khudaarta nooc kasta iyo xataa shaaha iyo dalagyo kale oo badan.
Gobolka Sanaag waxaa uu noqondoonaa gobol degiddiisa ummadda Somaliland u tartanto mustaqbalka, quruxda iyo khayraadkiisa faraha badan ee Eebbe ku manaystay awgeed. Waxaa uu noqondoonaa gobol si weyn caan ugu ah horumarinta xoolaha, beeraha, kalluumaysiga, ganacsiga, macdanta, dal-xiiska iwm. Waxaa kale oo gobolku aad ugu wanaagsanyahay beeridda midhaha sida farsuga, mishmishka, rumaanka, karaska, tiinka, saytuunka, tufaaxa iyo noocyada cinabka.
Waxaa kale oo gobolka ka bixikara cuntada nooc kasta oo kale. Buuraha Gobolka Sanaag waxay caan ku yihiin dhirta maydiga, beeyada, xabbagta iwm. Xeebaha quruxda badan ee Gobolka Sanaag waxaa ku yaal dekedo iyo tuulooyin aad uga da’ weyn magaalooyinka waaweyn ee Somaliland oo ay ugu caansan yihiin dekedaha Laas Qoray, Maydh, Xiis, Karin iwm. Gobolka Sanaag waxaa uu noqonayaa degaanka ugu weyn ee ummadda Somaliland ku samata-baxdo mustaqbalka xagga degsiimada marka dadku bato iyo horumarka noloshaba.
FAA’IIDOOYINKA JIDKA BURCO-CEERIGAABO
Wadooyinku waa kaabayaasha dhaqaalaha dal ugu muhiimsan waxayna leeyihiin faa’iidooyin badan oo aan la koobikarin. Jidka cusub ee Burco-Ceerigaabo (500km) ee Gobolka Sanaag iyo wadooyinkuba waxay, sida dalkasta, dalka u leeyihiin faa’iidooyin badan oo kala ah:
* Wadooyinka iyo jidka Tareenadu waxay isku xidhaan dalka waxayna meesha ka saaraan kala qoqobnaanta iyo isku-gudub la’aanta. Jidka Ceerigaabo waxaa uu meesha ka saaraaya kala-qoqobnaantii iyo isku-gudub la’aantii uu Gobolka Sanaag kaga jiray dalka intiisa kale.
* Wadooyinku waxay fududeeyaan is-dhexgalka, is-barashada iyo isku-socodka bulshada. Jidka Ceerigaabo waxa uu ka qaadanayaa qaybweyn fududaynta iyo sahlidda is-dhexgalka iyo isku-socodka bulshada Somaliland.
* Wadooyinku waxay sahlaan gaadhsiinta dalagyada meelkasta oo dal ka tirsan. Jidka Ceerigaabo waxa uu sahlayaa in wax-soosaarka Gobolka Sanaag uu gaadhikaro meelkasta oo ka tirsan Jamhuriyadda Somaliland iyo in dalagyada gobollada kale ee dalku si fudud u gaadhaan gobolka Sanaag.
* Wadooyinku waxay fududeeyaan maalgashiga iyo ganacsiga dal. Jidka Ceerigaabo waxa uu maalqabeenada Somaliland u fududaynayaa inay si weyn u maalgashadaan Gobolka Sanaag siiba xagga ganacsiga, beeraha, kallumaysiga, dal-xiiska iwm, arrimahaas oo Gobolka Sanaag aad qani ugu yahay.
* Wadooyinku waxay qaybweyn ka qaataan dhaqdhaqaaqa dadka iyo dalagyada, waxayna dadka ka saaraan go’doonka iyo saboolnimada maadaama ay ku dhiirigelinayso in wax-soosaarka dal la gaadhsiinkaro meelkasta oo la doono. Jidka Ceerigaabo waxaa uu dadka ku nool Gobolka Sanaag ku dhiirigelinayaa inay labalaabaan wax-sooraka beeraha iyo dhaqashada xoolaha oo gobolku qani ku yahay maadaadama ay xoolahooda iyo dalagyadooda si fudud u gaadhsiinkarayaan dalka intiisa kale taas oo keenaysa in dad badan oo gobolka ka tirsan ka baxaan saboolnimada.
* Wadooyinkku waxay fududeeyaan in horumarka dhaqaalaha dal uu wada gaadho dalka. Jidka Ceerigabo waxa uu gobolka Sanaag u fududaynayaa inay ka qaybgalaan horumarka dhaqaalaha dalka iyo daryeelka iyo horumarinta bulshada gobolkaas oo ay qaybweyn ka helaan Mashaariicda Horumarinta, daryeelka caafimaadka, horumarinta waxbarashada, sancada casriga (technology) ah iwm.
* Wadooyinku waxay fududeeyaan in si degdeg ah loogu gurmankaro meelkasta oo dal ka tirsan marka dhibaato la soo gudboonaato. Jidka Ceerigaabo waxaa uu sahlayaa in Gobolka Sanaag deg deg loogu gurmankaro haddii ay haleesho masiibooyinka dabiiciga ah sida duufaanta, daadadka, cudurada faafa iwm.
* Wadooyinka waxay qayb libaax ka qaataan difaaca dal si marka dhibaato dagaal la soo gudboonaato deg deg loogu gurmado loona difaaco dalka. Jidka Ceerigaabo wuxuu aad u sahlayaa in gobolkaas dedeg loogu gurmado hadii cadowaga Somaliland u soo hanqal-taago ama soo weeraro si uu u waxyeeleeyo ama u kala dhantaalo midnimada qarameed iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Somaliland. Baaxadda iyo qiimaha gobolka Sanaag awgeed waxaa lama huraan ah in laga sameeyo saldhigyo ciidan oo difaac. Jidka Burco-Ceerigaabo waa halbowlaha isku xidha dalka, horumarka, iyo difaaca dalka. Gobolka Sanaag waa gobolka ay ku duuganyihiin awoowayaasha dadka Somaliland, waana nafta iyo laf-dhabarka Somaliland waayo waa gobolka ugu weyn Somaliland xagga baaxadda dhulka, ugu khayraad badan, ummadda Somalilandna haqabtiridoona xagga degsiimada iyo xagga noloshaba mustaqbalka.
Waxaa xukuumadda iyo ummadda Somaliland lagula talinayaa in Wadada Burco-Ceerigaabo si weyn oo dhaxal-gal ah loo dhiso lana ballaaadhiyo isla markaana loo jeesto horumarka Gobolka Sanaag oo la dhiso garoonka diyaaradaha ee Ceerigaabo, la dhiso dekedda Laas-Qoray lana kiciyo oo la ballaadhiyo warshadii kalluunka ee laas-qoray. Waxaa maalqabeenada Somaliland iyo caalamkaba lagu dhiirigelinayaa in Gobolka Sanaag ay ku sameeyaan maalgashi weyn siiba beeraha, kalluunka, warshadaha, beeyada, xoolaha, dal-xiiska iwm. Dhismaha jidkan waa guulweyn oo ummadda Somaliland u soo hoyatay guud ahaan iyo gaar ahaan Gobolka Sanaag xag difaac iyo xag horumarba, waxaana muhiim in jidad badan laga sameeyo Gobolka Sanaag.
Qore: Ibrahim Hassan Gagale
October 10, 2023
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!