Faaidooyinka Toonta Adiga Ku Leedahay Ee Aadan Ogeyn
Soomaalida ayaa si weyn
u isticmaasha khudaarta toonta, inta badan waxaa lagu darsadaa cuntada, waana
khudrad caan ku ah in loo adeegsado arrimo caafimaad.
Toonta waxay kamid
tahay khudaarta ugu da'da weyn ee dunida laga beerto, geedka toonta waa mid
adkeysi badan oo in muddo ah soo jiray, waxay bahwadaag yihiin sida basasha,
basaaska iyo kuwa kale.
Waxa ay leedahay caraf
gaar ah, weyna ka soocan tahay khudaarta kale. Waxay leedahay dhadhan gooni ah,
dadka qaarna ma jeclo dhadhankeeda xitaa iskuma dayi karaan inay ruugaan.
Waxaad arkeysaa dad badan oo cuna toonta ama cabba biyaha laga sameeyo gaar
ahaan qofka marka uu hergeb ku dhaco ama in loo adeegsado dawo ahaan.
Waxa sida weyn loo
isticmaalo waa xiddidada geedka toonta, hashii toon waxay ka kooban tahay qeybo
yar yar oo gaaraya 20.
Nafaqada laga helo
toonta
Toonta waxaa laga helaa
nafaqooyin fara badan oo waxtar u leh banii'aadanka, waxaana kamid ah:
Tamarta u wanaagsan
jirka banii'aadanka oo lagu qiyaasay 4Kcal / 16KJ. Waxay dadka ka caawisaa jir
dhiska waxaana ku jirta maaddada borootiin. Toonta waxaa kale oo laga helaa
maddooyinka karbohaydraytyada ah iyo macdanta Potassium-ka ee isku dheelitirta
shaqada unugyadeenna jirka.
Faa'idada ay
caafimaadka u leedahay toonta
1. Waxaa ku jira
maaddooyin caafimaadka u wanaagsan
Toonta waxaa laga helaa
maaddo la yiraahdo allicin-maadadan waa midda toonta u yeesha dhadhanka gaarka
ah, waxay ka qeyb qaadataa xoojinta caafimaadka, waxay yareysa gaaska ku dhaca
caloosha ama xiidmaha, inta badan maadada allicin waa waxa horseeday in si weyn
loo adeegsado toonta. Dad badan waxay riiqaan toonta iyagoo dawo ahaan u
adeegsanaya.
2. Waxay yareysaa
halista wadno xanuunka
Cilmi-baarisyo badan oo
la sameeyay waxaa diiradda lagu saaray awoodda toontu u leedahay inay yareyso
cudurrada wadnaha iyo caawinta maareynta heerarka kolestaroolka. Daraasado
dhowr ah waxay sheegeen in toonta ay yareyso in (unugyada ku lug leh xinjirowga
dhiigga) ay ku uruuraan xiddidada halbowlaha qaada dhiigga, waxay ka dhigan
tahay in toonta ay ka hortagto xinjijowga dhiigga, sidaas darteedna waxay yareysaa
halista cudurka wadno xanuunka. Toontu waxay sidoo kale hoos u dhigi kartaa
halista dhiig karka iyada oo loo marayo awoodda ay u leedahay inay ballaariso
xididdada dhiigga, taasoo u horseedeysa in dhiiggu uu si xor ah uu jirka
banii'aadanka ugu dhex socdo.
3. Waxay ka hortagtaa
Kansarka
Toonta waxaa ku jira
walxo Sulphur ah oo lagu sameeyay daraasado, waxaana la ogaaday inay ka
hortagaan unugyada kansarka iyo burooyinka kansarka ah, inkasta oo saameynta
toonta ku leedahay ka hortagga Kansarka aan si buuxda loo xaqiijin, waxaana loo
baahan yahay cilmi baarisyo ballaaran oo lagu sii faahfaahinayo arrintani.
4. Waxaa lagula
dagaallamaa caabuqyada iyo feyraska
Toonta waxaa in muddo
ah loo adeegsan jiray in lagula dagaallamo caabuqyada ka dhasha bakteeriyada,
feyraska iyo Fungi. sidoo kale waxaa lagu daweeya cudurrada ku dhaca maqaarka
iyo qaniinyada cayayaanka gaar ahaan toonta qoyan iyo tan saliidda laga
sameeya.
5. Waxay xoojisaa
awoodda lafaha banii'aadanka
Daraasado la sameeyay
ayaa lagu ogaaday in toonta ay ka hortaggo lafo burburka, waxayna sare u
qaaddaa hormoonka oestrogen ee dumarka. Sidoo kale cilmibaarista waxaa lagu
ogaaday in dadka isticmaalay toonta ee uu ku dhacay xanuunada lafaha in xooggaa
ay ku reysteen.


0 





