"Bishii Doorashadu Way Bilatay, Ee Ishii Bugtaay Ku Bikaacso" Maxamuud Xaashi.
Hargaysa (HWN) Gudoomiyaha urur siyaasadeedka KAAH ee
Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa sheegay in Somaliland ujahaysatay jidka
doorashooyinka, maadaama ayuu yidi khilaafkii madhalayska ahaa ee ku gadaanaa
qabashada doorashooyinka meesha laga saaray.
Siyaasi Maxamuud Xaashi
oo qoraal uu arinkaasi kaga hadlayo baahiyay ayaa yidhi:-
Bishii Doorashadu Way
Bilatay, Ee Ishii Bugtaay Ku Bikaacso : Qore Maxamuud Xaashi.
Siyaasaddu waxay
leedahay filan-waa iyo fajicisooyin, aan mararka qaar jilayaasheedu ka fekerin,
oo filkanax ku ah, maadaama aanay baarka u fidhan. Fadka iyo Falanqaynta
Siyaasadda, lagama fiiriyo faalka, iyo cilmi felega. Haseyeeshee, waxaa laga
fiiriyaa, fooraha dabaysheeda iyo faq hoosaadka filkeeda.
Muran dheer oo ma
dhalays ah, iyo is maan dhaaf aan miciin dhaamin mindi- mindi ku taag, ayaa u
muuqda in uu soo gaba-gaboobayo. Waa Eebbe mahaddii, Mar haddii ay mudanayaasha
aqalka wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland, cod aqlabiyad ah ku meelmariyeen,
xeerkii doorashooyinka isa saarka ahaa, ee danta la biday.
Xeerkani ma aha, mid
gaar u xaqsiinaya, urur ama xisbi gooni ah. Balse, xeerkani wuxuu ku ahaa, urur
siyaasadeedyada tunka weyn, ee uu Kaah ka midka yahay, tumaati iyo tantoomo
culus oo aan tudhaale lahayn.
Si kasta ha ahaatee,
nin aan wuxuu leeyahay ka tegin nin ma aha, ee waxaannu urur ahaan u
tanaasulnay danta guud, ee dalkayaga iyo dadkayaga, annaga oo aan waxba
weydaarsan (مقابل لاشيء).
Isku soo duuboo, baahi
weyn ayay u qabaan bulshada Somaliland, in ay mar uun indhahoodu bidhaamiyaan,
bishii doorashada oo bilatay. Waxaan leeyahay daneeyeyaasha, kala duwan ee
doorashada, haddii aad sidaad doonayso weydo, sida aad ka fursan weydo ayaa la
yeelaa.
Sidaa darteed, aynu
caloosha usii deyno doorashada isa saarka ah.
Waxaan leeyahay heestii
Geela loo qaadi jiray, marka la soo horayo, Shifo ku afsaar, oo shar kuuma leh.” Ayuu ku yidhi Maxamuud Xaashi.