"PROCRASTINATION" Waa maxay erayga "procrastination".
Hadaba ma isku aragtay adigo shaqo dib u dhigtay bilaa sabab,
Waa hab-dhaqan caado oo dib u dhigaysa hadafkii aad ka lahayd nolashada, ama ka hor istaagi karta dhinacyo kasto noloshada aad rabto in aad ka hor marto.
Waxa jirta dad badan oo cadaysta in ay dib u dhigtaan shaqo u taal bilaa sabab "procrastination" mana aha Layness" ee waa caado qofku iska leeyahay noloshiisa in u dib udhigto hawl u muhiim ah bila sabab.
Hadaba ma isku aragtay adigo shaqo dib u dhigtay bilaa sabab, sida cashar macalinku ku diray, imtixaankii oo ku sugaya oo aad waxba so akhiri wayday, adigo leh bari ayaad akhiriyi doontaa imtixaankii afkaa ma kaa soo galay "Deadline"
Shaqo ku sugaysay ma iska hawl yaraysatay oo mid kale barri ma ku sii biirtay. Dhamaan waxaas oo dhani waa caadooyin la darsa qofka xili ka mid ah noloshiisa.Hadaba sidee ayaad uga gudbi karta mar xaladan.
1) Hore ka qabo shaqadda ku taal markaas, hadii ay badan tahayna kala yar yaree oo maalinba in qabo.
2) Ukala hor mari shaqada sida ay kugu kala muhiimsantahay iyo sida ay isku-qabanayso.
3) iska ilaali waxa kasta oo ka jeedinaya shaqadda sida mobileka isticmaalkiisa iyo asxaabta inta aad shaqada ku jirto.
4) Habeenkii sii qorshayso waxa aad bari qaban doonto, taasi waxa ay ku sahli doonta in hore ka qabsati shaqadii ku taalay.
5) Ka Faiidayso dardaraanka ku duugan Buugan la yidha '' Eat that Frog
" buugan oo si faahfaahsan uga hadlaya sida laga hortigi karo cadaysiga dib u dhigista hawl kasta oo naftada u muhiim ah.

AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...