Faa'iidooyinka Caafimaad Ee Aadan Ogeyn Ee Laga Helo Tufaaxa

0
Tuesday October 03, 2023 - 08:40:38 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 887
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faa'iidooyinka Caafimaad Ee Aadan Ogeyn Ee Laga Helo Tufaaxa

    "Tufaaxa waxaa ku jira maaddada pectin oo ah fiber dabiici ah oo laga helo dhirta."

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Tufaaxa waxaa ku jira maaddada pectin oo ah fiber dabiici ah oo laga helo dhirta."



 

Tufaaxa waxaa ku jira fitamiinno iyo maaddada fiber-ka ee caloosha u fiican, wuxuuna ka mid yahay miraha u wanaagsan caafimaadka, sida ay sharraxeyso Nicola Shubrook oo ku takhasustay cuntooyinka nafaqada leh kana howlgasha dalka UK.

 

Tufaaxu waxa uu leeyahay midabyo kala duwan, wuxuu u kala baxaa ku dhowaad noocyo gaaraya ​​2,000, waxaad arkeysaa tufaax cagaar ah, mid leh midabka huruuddda iyo casaan ah, dhadhankooda wuu kala duwan yahay.

 

Tufaaxa waxaa ku jira nafaqooyin kala duwan oo isugu jira, borotiin, fitamiin C, maaddada potassium iyo carbohydrates.

 

Faa'iidooyinka caafimaad ee shanta ah ee laga helo tufaaxa

 

1. Wuxuu hoos u dhigaa heerka kolestaroolka

 

Tufaaxa waxaa ku jira maaddada pectin oo ah fiber dabiici ah oo laga helo dhirta.

 

Cilmi-baaris dhowaan lagu daabacay joornaalka Yurub ee ka faallooda nafaqada ayaa lagu ogaaday in cunista tufaaxa uu ku badan yahay maaddada pectin-ka ayna saameyn ku leedahay hoos u dhigista heerka kolestaroolka.

 

Sidoo kale daraasad kasoo baxday akadeemiyadda nafaqada waxay muujineysaa in cunista qiyaastii 75g oo tufaax ah oo la qallajiyey (qiyaastii laba xabbo oo tufaax ah) ay ka caawisay hoos u dhigista kolestaroolka gaar ahaan haweenka uu ka go'ay dhiigga caadada.

 

2. Waxaa laga yaabaa in uu ka hortago cudurka macaanka

 

Maaddaama tufaaxa uu ka baxo maaddada fiber-ka haddii ay ku darsanto maaddada kale ee isla tufaaxa laga helo ee flavonoid-waxay ka qeyb qaadanayaan inay xoojiyaan dareenka ka dhasha maaddada insulin taasoo muhiim u ah maarreynta miisaanka qofka iyo ka hortagga cudurka macaanka.

 

3. Tufaaxa wuxuu ka hortagga cayilka

 

Cilmi-baaris lagu sameeyay xayawaannada qaar waxay muujiyeen in maaddada pectin ee uu soo saaro tufaaxa ay gacan ka geysan karto nidaaminta microbiome-ka (bakteeriyada mindhicirka waxtarka u leh), taas oo iyadana laga yaabo inay ka hortagto cayilka iyo cudurrada kale ee ka dhasha xasaasiyadda.

 

Daraasadaha lagu sameeyay bini'aadamka waxay sidoo kale u muuqdaan kuwo rajo leh, laakiin cilmi-baaris dheeraad ah ayaa loo baahan yahay oo ku saabsan tufaaxa.

 

BBC


Loading...
Loading...