Puntland Oo Madaxweyne Xasan Ku Eedeysay Dagaal Beeleedyada Ka Jira Mudug.

0
Tuesday October 03, 2023 - 08:30:16 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 835
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Puntland Oo Madaxweyne Xasan Ku Eedeysay Dagaal Beeleedyada Ka Jira Mudug.

    "Dagaalkan ayaa u dhaxeeya labo maleyshiyo beeleed"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Dagaalkan ayaa u dhaxeeya labo maleyshiyo beeleed"



Wasiirka qorsheynta maamul goboleedka Puntland Maxamed Saciid Faroole ayaa sheegay in xiriir uu ka dhaxeeya madaxweyne Xassan Sheekh iyo Isku dhaca ka jira Mudug ee u dhaxeeya Galmudug iyo Puntland.

 

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in wixii maanta ka dhacay Goldogob oo ay sameeyeen waxa uu ku sheegay maleeshiyada Galmudug ay bilaw u tahay dagaal seddexaad.

 

Wasiirka oo hadalkan ku soo qoray bartiisa rasmiga ah ee X ee horay loo oran jiray Twiterka ayaa sidoo kale sheegay in dagaaladii Mudug ka dhacay sanadahii 2015kii- 2016-kii ay dhaceen xiligii hore ee uu madaxweyne Xassan Soomaaliya ka talinayay.

 

Dagaal beeledyo ayaa ka dhacay Goldogob.Dagaalkan ayaa u dhaxeeya labo maleyshiyo beeleed oo kasoo kala jeeda degmada Galdogob iyo degaanka Bandiiradley oo ka kala tirsan Puntland iyo Galmudug


Loading...
Loading...