Qof Kasoo Dhacay Kenya Airways Oo Meydkiisa Laga Helay London
Meydka oo loo
badinayo inuu yahay nin ayaa gelinkii dambe ee Axada laga helay beer yar oo ku
taal deegaanka Clapham, koonfur galbeed London.
Waxaa la rumaysan
yahay inuu isku soo qariyay qeybta taayarka diyaaradda oo ka soo duushay
magaalada Nairobi, iyadoo qeybtaasi laga helay boorso, biyo iyo cunno.
Qof goobjoog ahaa ayaa sheegtay in meydka uu kusoo dhacay meel aad ugu dhaw goob uu ku nasanayay qof ku sugnaa beerta.
Booliska
Metropolitan ayaa sheegay in baaritaan lagu samayn doono meydka, isla markaana
aanu jirin wax tuhun ah oo laga qabo geerida qofkaasi.
Shirkadda Kenya
Airways ayaa sheegtay in baaritaan lagu sameeyay diyaaraddaasi, wax dhibaato
ahna aan lagu arkin.
Afhayeen u hadlay shirkadda ayaa sheegay inay xiriir dhaw la sameeyeen saraakiisha Nairobi iyo London si looga sal gaaro meydkaasi diyaaradda kasoo dhacay.
Ma aha markii ugu horreysay oo lagu arko meyd diyaarad kasoo dhacay meel u dhaw garoonka Heathrow.
Bishii June 2015, meydka nin kusoo dhuuntay diyaarad ay leedahay British Airways ayaa laga helay deegaanka Richmond, halka mid kale oo ay isla socdeen la helay isagoo xaaladdiisu liidato.
Bishii August 2012, nin ayaa meydkiisa laga helay qeybta xamuulka ee diyaarad kasoo duushay magaalada Cape Town ee Koonfur Afrika, kana soo degtay garoonka Heathrow.
BBC


0 





