Doon Ku Caariday Xeebbaha Israel Oo Laga Helay Dukumentiyo Socdaal Oo Ay Leeyihiin Somali.
Doon caag ka sameysan
ayaa ku soo caarisay xeebbaha Israa’iil iyadoo cidina aanay saarnayn maanta oo
Axada, kaliya waxa saarnaa alaab u muuqday inay lahaayeen dad muhaajiriin ah.
Saraakiisha Israa’iil
ayaa sheegay In doonta ay ka heleen meel ku dhaw xeebta Meditareeniyanka,
magaalada Netanya.
Doonta waxa laga helay
alaabbo ay kamid yihiin cunto, biyo iyo dukumintiyo socdaal oo ay ku jiraan
sedex dukumenti oo Soomaali leedahay.
Booliska ayaa sheegay
in ay wali baarayaan dukumentiyada safarka ah ee laga helay doonta.
Sida laga soo xigtay
Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka ee Qaramada Midoobay, sanad kan oo kaliya
waxa badda meditareeniyanka ka gudbay muhaajiriin gaaraya 187,000 oo qof,
waxana la diiwangaliyay dhimashada 2,093 oo qof oo muhaajiriin ah.
BBC