Sidee Loo Soo Xulay Liiska Cayaartoyda Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya?

0
Monday October 02, 2023 - 08:46:04 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1351
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sidee Loo Soo Xulay Liiska Cayaartoyda Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya?

    "Soomaaliya ayaa ku jirta Guruub G oo ay ku jiraan Xullalka Kubada Cagta ee Wadamada Aljeeriya,"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Soomaaliya ayaa ku jirta Guruub G oo ay ku jiraan Xullalka Kubada Cagta ee Wadamada Aljeeriya,"



Tababaraha reer Marooko ee layliya Xulka Kubadda Cagta ee Soomaaliya Rashiid ayaa ku dhawaaqay magacyada ciyaartoyda Soomaaliya uga qaybgalaysa Isreebreebka Afrika ee Koobka Aduunka ee 2026.

 

Gool hayayaasha Xulka ayaa loo magacaabay afarta ciyaartoy ee kala ah Cabdiraxman, Mustaf Maxamed, Axmed Mayow iyo Ibraahim.

 

Difaacyada Xulka ayaa loo xushay ciyaartoyda kala ah Ayman Maxamed, Xaaji Cabdiqaadir, Fahad Maxamed, Cabdi Maxamed, Cabdiwali Cabdiraxmaan, Sadiiq Cilmi, Axmed Cabdillaahi, Maxamed Cali, Ciise Cabdiqaadir, Saleebaan Sayid, Abil Gigli, iyo Saalim Cabdi.

 

Khadka dhexe ayaa loo doortay ciyaartoda kala ah Cabdiqaadir Siidow, Cusmaan Maxamed, Ciise Ismaaciil, Cumar Jaamac, Xuseen Maxamed, Xasan Maxamed Aadan, Xaaji Aadan iyo Cabdi Shariif.

 

Weeraryahannada Kooxda Qaranka ayaa loo doortay ciyaartoydka kala ah Farxan Maxamed Axmed, Ciise Abatari, Siciid Xaaji, Maxamed Cawad, Cabdixafiid Maxamed, Mahad Maxamed, Bilaal Niinje, Mukhtaar Cabdi, Axmed Yuusuf, Maxamuud Nuux iyo Sakariye Xasan.

 

Soomaaliya ayaa ku jirta Guruub G oo ay ku jiraan Xullalka Kubada Cagta ee Wadamada Aljeeriya, Gini, Ugandha, Musaambiik, iyo Butuswaana.

 

Soomaaliya ayaa kulankeeda ugu horreysa bisha Noofeembar la ciyaari doonta Xulka Aljeeriya.

 

BBC


Loading...
Loading...