Akhriso Nuxurka Qodobo Ka Soo Baxay Shirkii Guddidda Fullinta Xisbiga WADDANI
Hargaysa (HWN) Shirka
Guddida Fulinta iyo Xoghayeyaasha Xisbiga WADDANI ayaa maanta ka qabsoomay
Xarunta Dhexe ee Xisbiga. Shirka oo uu guddoomiyanayay kusimaha guddoomiyaha
ahna guddoomiye ku xigeenka xisbiga mudane Saleebaan Ducaale Xaaji Jaamac waxaa
lagu lafo guray xaaladda guud ee Somaliland.
Musharraxa madaxweynaha
Xisbiga mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa xubnaha Guddida
Fulinta, xoghayeyaasha, Xildhibaannada iyo masuuliyiinta shirka ka qayb galay
warbixin waafi ah ka siiyay xaaladda guud ee dalka ee dhinacyada siyaasadda,
ammaanka, wadajirka bulshada iyo doorashooyinka, waxaanu madaxda xisbiga ku
wargeliyey in si buuxda loola jaan qaado jidka doorasho ee dalku qaaday.
Masuuliyiinta xisbiga
iyo xildhibaannada xisbiga ee baarlamaanka qaarkood ayaa kulanka ka soo
jeediyay warbixino iyo talooyin wax ku ool ah oo ku aaddan qorshaha xisbigu ku
wajahayo arrimaha doorashooyinka iyo midnimada bulshada reer Somaliland.