Muxuu Yahay Baaqa Gud. Xirsi Udiray Taageerayaasha Waddani?
Hargaysa (HWN)
Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Xirsi Cali X Xasan ayaa sheegay in hada Somaliland
ujahaysatay dhanka doorashooyinka.
Waxaanu gudoomiyuhu
usoo jeediyay taageerayaasha Xisbigiisa inay udiyaar garoobaan doorashooyinka,
sida uu ku sheegay qoraalkan hoose oo uu baahiyay.
"Taageerayaasha Xisbiga
WADDANI waxaan leeyahay, haddii aynu doorasho sugaynay dalku wuxuu u jehaystay
doorasho ee aan iska dayno hadal tirada oo u diyaar garowno doorasho, aan dalka
midnimadiisa ka shaqayno. waxaynu wax ku noqon karayna dadkii ina dooran lahaa
oo meel u wada jeeda. Waxaynu ka shaqaynayna wixii doorasho, nabad galyo iyo
midnimo wax ka taraya.” Ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Md Xirsi Cali X
Xasan.
Shalay ayay ahayd
markii golaha wakiilada Somaliland ay ansixiyeen in la’isa saaro
doorashooyinka.