Qisaddii kalsoon part:2
Markii aan iska dhaqay wajiga eedo waxeey aragtay in uu dhaawac wajiga iga gaaray, waxeeyna igu tiri afkaaga kalama furi kartid marnaba yaanan kaa maqlin eedaa dhaawacan igu dhigtay, waxaan iri waayahay, wax yar kadib waxaa yimid aabo waxa uu arkay garaafadii wajiga iiga taalay, kadib ayuu I weeydiiyay kalsoon maxaa wajiga kaaga dhacay. Aabo waxaan iri aabo waan kufay sidaas ayeeyna garaafadan iisoo gaartay,
Markaas ayuu yiri aabo bal day dhaawacaan meeqaan kulahaa tartiib usoco fudeeydkaagi dhaawacan buu sabab unoqday hadda kadib iska fiiri meeshaad lugta dhigeeyso waxaan iri waayahay aabo.
Eedo meesha fadhisay ayuu yiri aabo dhaawacan goormu soo gaaray kalsoon xageedsa u dirtay, kadib ayeey tiri waxaan doontay adeeg waxaana u imaaday iyaddoo dhaawac ah malaha darbiyada ayeey kortaa canugaan uga tagay xitaa waxaan u imid isagoo dayac ah oo dhulka silac uyaalo !
Kadib ayuu yiri aabo gabadhan adigaa aqlaaqda uga dheelay ilmaha waala canaantaa wax ayaana loo sheegaa balse adigu waad sii deeysay, markaas ayeey tiri ilma aanan dhalin ma edbin karo waa intaas ay qalad iga fahmaan wixii ay qaban kartana ha qabato wixii kalena haka seexato.
Anigu waxaan taagahay agteeda waxaan la yaabay sida ay aabo beenta ugu sheegeeyso iyo sida ay qof wanaagsan isagga dhigeeyso waliba iyaddoo og maanta dhibka ay iigeeysatay, iyo wixii dhiig iga baxay,
Waan ciishooday, waxaana niyadda iska iri haddii ay noolaan laheeyd hooyadaa sidaan laguuma galeenwaxaadna heli laheeyd naxariis hooyo nimo waxeey sidii ahaataba waxaa noqday qof weeyn ogna wixii u san iyo wixii u xun ba lkn eedo waxeey biloowday, ineey I controsho meel walba oo aan aadaayo waxeey igu tiri waa inaad iga fasax qaadataa.
Waa sax inaan ka fasax qaato maadaama aan nahay dad guri kuwada nool waalidna isku ah balse markii aan fasax weeydiisto waxeey keentay ineey igu tiraado meel aadi meeysid gurigan edeb ku joog.
Markii aan arkay cabiidiska ay igu haayso eedo waxaan go.aansaday in aan markale ka fasax qaadan iyadda waxeey sidii ahaataba galab anigoo qolkeyga ku jura ayeey iisoo gashay kadib ayeey igu tiri kaalay ii doon adeeg waxaan iri waayahay,
Markii aan adeegii doonay waxaan dukaanka isku aragnay laba gabdhood weey isalaameen waan sheekeeysanay, waxeey iisheegeen in an deris nahay waana isa soo raacnay, ilbaabkeeyga markii aan soo gaarnay ayaan iri waakan gurigeyga waxeey igu yiraahdeen waan kula galeeynaa balse waan ka diiday waayo waxaan ogahay in eedo qeeylo bilaabeeyso..
Lasoco part:3
W/Q: Shugri geenyo
Asmo mohammed ✍
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!