Shirkada Diyaaradaha Ee Qadar Airways Oo Maanta Duulimaad Ku Timid Muqdisho SAWIRO.

0
Monday July 01, 2019 - 23:00:11 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2990
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirkada Diyaaradaha Ee Qadar Airways Oo Maanta Duulimaad Ku Timid Muqdisho SAWIRO.

    Diyaaradda Qatar Airways ayaa maanta duulimaadkeedii ugu horreeyey ka bilowday magaalada Muqdishu.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Diyaaradda Qatar Airways ayaa maanta duulimaadkeedii ugu horreeyey ka bilowday magaalada Muqdishu. Diyaaraddan ayaa wadday 115 rakaab ah, waxayna kusoo hakatay magaalada Jabuuti.



Mas’uuliyiinta duulimaadka Soomaaliya ayaa VOA u sheegay in diyaaradda Qatar Airways ay iman doonto garoonka Muqdisho saddex maalmood toddobaadkii, taasi oo kordhi karta bilaha soo socda.


Diyaaradaha kale ee caalamiga ah ee yimaada garoonka Muqdisho ayaa waxaa ka mid ah Turkish Airlines, Ethiopia Airlines iyo Kenya Airways.


Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in bil kadib ay filayaan in diyaaradda Uganda Airways ay bilowdo duulimaadyadeeda Soomaaliya.


Munaasabad lagu daahfurayay duulimaadka tooska ah ee Shirkadda Qatar Airways ka bilaawday Muqdisho ayaa lagu qabtay Garoonka Aadan-Cadde,waxaana ka qeyb galay  Wasiirka Arrimaha Dibada Somalia,Xubno kale oo ka tirsan Dowladda, danjiraha dowlada Qatar u fadhiya Somalia iyo masuuliyiin kale.


Qatar Airways oo kamid ah shirkadaha caalamka ugu wanaagsan ayaa ka mid noqoneysa shirkado kale oo duulimaadyo ku yimaada caasimada Soomaaliya


Loading...
Loading...