Musharax CIRO Oo Ka Hadlay Xeerka Isa-saarka Doorashada Ee Goluhu Ansixiyay.
Hargaysa (HWN)
Musharaxa madaxwayne ee xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa soo dhaweeyay
ansixinta Golaha wakiilada Somaliland ku sameeyeen xeerka isa-saarka doorashooyinka
Somaliland.
Musharaxa ayaa sidoo
kale Golaha Guurtida usoo jeediyay inay iyaguna Ansixiyaan, sida uu ku sheegay
qoraalkan hoose oo uu baahiyay.
"Waxa aan hambalyo
& bogaadin isku sidkan u dirayaa isla markaana u mahad celinayaa
Shir-guddoonka & Mudanayaasha Golaha Wakiilada JSL oo maanta qaybyo tiray
dhammaan xeerarka doorashooyinka isku sidkan ee Madaxtooyada, Axsaabta Qaranka
iyo Ururada siyaasadda kuna ansixiyey cod aqlabiyad ah oo aanu Goluhu u kala
hadhin.
Golaha Wakiilada
Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay hormuud u noqdeen sharciyeynta doorashooyin
dalkan inooga qabsooma si heshiis iyo wadar-oggol lagu yahay, waana arrin ay
Shacbiga Somaliland filayeen in badan, sida oo kale Golaha Guurtida waxaa laga
filayaa in ay waajibkooda iyaguna sida ugu dhakhsaha badan uga gutaan.
Somaliland ha noolaatoā€¯
ayuu musharax Ciro ku yidhi qoraalkiisa.