Shiinaha Oo Ka Jawaabay Gujiska Ay Sameysatay Taiwan
Taiwan ayaa daaha ka
rogtay Gujiskii ugu horeeyay ee ay samaysato, iyadoo doonaysa inay ka hortagto
awooda bada ee Shiinaha oo sii kordheysa.
Jasiiradda ayaa
go’aansatey in ay sameysato Gujis ay iyadu leedahay kadib markii ay weydey cid
diyaar u ah in ay u dhisto.
Beijing waxay u aragtaa
Taiwan qayb ka mid ah dhulkeeda. Afhayeen u hadlay Wasiirka Arrimaha Dibadda
Shiinaha --Mao Ning-- ayaa sheegtay in Gujiska cusub uu yahay wax lagu
qaasaariyay lacagta dadka Taiwa.
Horta arrintu maaha
arrin arrimaha dibadda khuseysa. Taiwan waa qayb ka mid ah geyiga Shiinaha oo
aan go'i karin, waana in dib loo midoobo Taiwan. Madaxda Xisbiga Horumarka
Dimuqraadiga ah ee ku dhegan mawqifka gooni-u-goosadka ah ee madax-bannaanida Taiwan,
ee ku dhisan ku takri-falka dhaqaalaha dadka reer Taiwan iyagoo ku iibsanaya
hub, abuurista colaad iyo iska hor-imaadyo xad dhaaf ah waxay wiiqayaan
nabadda. iyo xasiloonida Taiwan." ayay tiri.
BBC


0 





