Maxay Iska Matalaan Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Madaxweynaha Dalka Uu Booqanayo Ee Guinea…W/Q Cabdixakiin Cilmi

0
Monday July 01, 2019 - 21:49:05 in Articles by
  • Visits: 3008
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxay Iska Matalaan Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Madaxweynaha Dalka Uu Booqanayo Ee Guinea…W/Q Cabdixakiin Cilmi

    Maxay Iska Matalaan Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Madaxweynaha Dalka Uu Booqanayo Ee Guinea…W/Q Cabdixakiin Cilmi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxay Iska Matalaan Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Madaxweynaha Dalka Uu Booqanayo Ee Guinea…W/Q Cabdixakiin Cilmi


Guinea iyo madaxweynahooda.


dalkan guinea oo ku yaala galbeedka qaarada afrika waxa uu xornimada ka qaatay dalka faransiiska sanadkii 1958, caasimadiisuna waa conakry.





Tirada dadka ku nool dalka guinea ayaa lagu qiyaasay inay yihiin 12 Milyan, waxaanu ka mid yahay wadamada ku yaala qaaradan Afrika ee aan xidhiidhka dublamaasiyadeed la lahayn dalalka bariga Afrika ee somaliland ka mid tahay.


Madaxweynaha dalkan guinea waxa lagu magacaabaa Alpha Condé oo kaas oo dhashay 4 March 1938, waxaanu soo noqday gudoomiyaha midawga Afrika intii u dhaxaysay 2017-2018.


Madaxweynaha dalka guinea waxa uu noloshiisa inta badan ku soo qaatay mucaaradnimo uu kaga soo horjeeday dawladihii kala danbeeyey ee Guinea isagoo laba goor oo kala ah 1993 iyo 1998 u tartamay kursiga madaxweyne balse uu waayey.



wuxuu talada ku guulaystay markii koowaad sanadkii 2010 ka dib doorasho muran badan ka dhacay iyadoo mar kalena 2015 doorasho kale oo dhacday uu ku guulaystay iyadoo ku shubasho iyo is daba marin badan oo dhacday ay sababtay in xisbigii u weynaa mucaaradku diiday natiijadii.



madaxweynahan guinea oo ah dalka uu booqanayo madaxweynaha somaliland ayaa markuu tartankii ololaha ku jiray wuxuu ku ololeeyey inuu xoojinayo dimuqraadiyada guinea iyo inuu la dagaalamayo musuqmaasuqa hase ahaate waxa isaga iyo wiilkiisa lagu eedeeyey inay gacmaha kula jiraan fadeexado baahsan oo musuqmaasuq oo la xidhiidha macdanta oo dalkaasi qani ku yahay.



shirkad la yidhaahdo sable mining oo macdanta ka shaqaysata oo lacag badan ku bixisay doorashadii madaxweyninimo ee dalkan uu booqanayo mujaahid muuse ayaa waxa ay laaluush badan siisay sidoo kalena helicopter u iibisay wiilka uu dhalay madaxweynaha ginni si wiilka madaxweynahu dhalay ugu ilaaliyo goobaha ay macdanta ka gurtaan inaan laga taaban.



Dalkan guinea ayaa ah dal ka mid kuwa u qanisan Africa iyagoo caan ku ah macdanta hase ahaatee dadkiisu waa kuwa ugu faqiirsan galbeedka africa sababta oo ah waxoodii oo loo xidhay shirkado awood ka haysta qasriga.



dalkan Guinea sanadkii 2014 ayaa waxa uu ahaa dalalkii u horeeyey ee uu ka dilaacay cudurka ebola kaas oo ku laayay dad badan ka dibna ku faafay wadamada Liberia iyo Sierra Leone, halkaasna mudada weftigeenu joogo digtooni bay u baahan tahay waa halise maadaamo cudurkani dhawaan dib u dilaacay.


Haddaba madaxweyne muuse muxuu ka matalayaa madaxweynahan uu booqanayo dalkiisa?



1: madaxweyne muuse ayaa ka matalaya madaxweynaha guinea dhinaca inuu dhamaan mucaarad ku soo ahaa dawladihii kale danbeeyey ee dalka soo maray ilaa dawladii kala shaqaysay inuu kursiga gaadho oo taageerayaashiisii xilligaas oo ah heegada hadda ay ku tuureen shaani.



2- doorashadii uu ku soo baxay madaxweyne muuse oo uu ka dhashay muran badan oo sababay in dad innagaga baxaan, ilaa aakhirkii xisbigii u weynaa mucaaradku tanaasulay si la mid ah madaxweynaha uu dalkiisa booqanayo.



3- madaxweyne muuse oo olalihii ku galay inuu wax ka qaban doono musuqa ayaanay jirin ilaa hadda wax muuqda oo uu ka qabtay inuu sii kordho mooyee,(silent corruption) iyadoo arrimo ganacsi looga faaidaystay awoodii dawladnimada si la mid ah sida wiilka uu dhalay madaxweynaha dalka guinea ee shirkadahu laaluushaan.



4- madaxweyne muuse oo ololihiisi doorashada mid ka mid ah shirkadihii maalgaliyey dhawaan siiyey qandaraas lagu soo iibinayey qalab lagu shaybaadhayo waxyaabaha dekeda soo mara sida hctv sheegay, sidoo kalena u sii ilaaliyey inaan laga taaban kootadii u xidhnayd si la mid ah madaxweynaha uu dalkiisa booqanayo oo shirkadii ololihiisii taageertay u ilaaliyey inaan laga taaban mashruuceeda macdanta.



5- madaxweyne muuse oo ku ololeeyey xoojinta dimuqraadiyada ayaa ku guuldaraystay iyadoo intii uu joogay xoriyadda hadalku gaadhay halkii u hoosaysay, sidoo kale wuxuu ku dhacay in dalka doorasho barlamaan ka dhacdo sida muuqata iyadoo ay sababayso madaxweynihii oo wada shaqayntii ka jeclaaday ila muran.



Waxa qoray Abdihakem Elmi

Facebook: Abdihakem Elmi
Twitter: Abdihakem Elmi
Email: [email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...