ISLAAMKA IYO XIRIIRKA CAALAMIGA AH.

0
Thursday September 28, 2023 - 09:45:54 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 666
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    ISLAAMKA IYO XIRIIRKA CAALAMIGA AH.

    Islaamku kolkii uu yimidba waxa uu Dadkii uu u yimid...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Islaamku kolkii uu yimidba waxa uu Dadkii uu u yimid...



Islaamku inta la ogyahay waligii ma ahayn mid inta raacda ku soo ooda Jaziirad cidlo ah oo iyaga mooyee cid kale oo joogtaa ama ay la macaamilaan aan la arag.


Islaamku kolkii uu yimidba waxa uu Dadkii uu u yimid ugu baaqay wada Noolaansho Nabad ku dhisan oo dhex marta inta Rumaysa iyo inta aan Rumeynba.



Ilaahay waxa uu faray Rasuulkiisa in uu kuwii diidana Risaalada uu la yimid ku yiraahdo cid waliba Diintooda gaar ha u ahaato oo aynu Nabad ku wada noolaano.


"لَكُمْ دِينُكُمْ وَلِيَ دِينِ (6).

"Diintiina ayaad leedihiin anigana diintayda"

Wuxuu kaloo Alle yiri:


‏‎"وَإِنْ كَذَّبُوكَ فَقُلْ لِي عَمَلِي وَلَكُمْ عَمَلُكُمْ أَنْتُمْ بَرِيئُونَ مِمَّا أَعْمَلُ وَأَنَا بَرِيءٌ مِمَّا تَعْمَلُونَ (41)

"Haday ku beeniyaan waxaad ku tiraahdaa aniga camalkayga ayaan leeyahay idinkuna camalkiina,idinku beri baad ka tihiin oo laydiin raacan maayo waxa aan aniga sameeyo,aniguna beri baan ka ahay oo la ii raacan maayo waxa aad samaynaysaan".


‎"قُلْ كُلٌّ يَعْمَلُ عَلَىٰ شَاكِلَتِهِ فَرَبُّكُمْ أَعْلَمُ بِمَنْ هُوَ أَهْدَىٰ سَبِيلًا (84)


"Waxaad tiraahdaa Qof waliba Ha u camal Falo Sida ay la tahay toosnaanta,Rabigiin uu baa og kuwa haya wadada hanuunka”.


"وَقُل لِّلَّذِينَ لَا يُؤْمِنُونَ اعْمَلُوا عَلَىٰ مَكَانَتِكُمْ إِنَّا عَامِلُونَ (121).


"Waxaad ku tiraahdaa kuwa aan rumeyn Risaalada aad waddo u Camal fala sida idinla quman eed doonaysaan,inaguna waxaan u Camal falaynaa sida nala faray”.


Rasuulka scw iyo Asxaabtiisa Xaalad kasta oo ay ku sugnaayeen dadka uu xiriirka kala dhaxeeyay kolna kuma koobneyn Muslimiin kaliya,oo waxaa mar walba jiray dad aan Muslimiin ahayn oo uu xiriir wanaagsan kala dhaxeyn jiray.


Tasaale ahaan Rasuulka scw kolkii ay Qureysh isku dayday in ay gacan ula tagaan oo ay soo af jaraan Dacwadii uu waday,cidda loo mari waayay ee difaacday waxay ahaayeen Qoyskii uu ka dhashay ee Reer Banuu Haashim oo uu Hogaaminayay Adeerkii Abuu Daalib oo aan intooda badan xiliggaa diin ahaan u raacsaneyn Nabiga scw,sidaasoo ay tahay Cilaaqaad Cashiiranimo oo ay Nabiga scw ku difaacayeen ayaa ka dhaxeeyay iyo xiriir wanaagsan.


Kolkii dambe ee uu Nabiga scw Madiino yimidna Dadka uu Xiriiro isgaashaan-buureysi la galay Muslimiin kaliya maaheyn ee waxaa ka mid ahaa Yahuud uu la saxiixday heshiis is Nabad-galin iyo wada difaacasho degaan iyo mid iskaashi oo ah in qab iyo qaaraankaba laysla bixiyo.


Ilaa ay Heshaaskaasi ay Qabiilooyinkii Yahuudda ay mid waliba iyadu si iskeed ah oga baxaysay,sida ku cad Siirada iyo Taariikhda.


Sidoo kale Rasuulka scw iyo Asxaabtii la nooleyd ma moogeyn waxa ka socda Dunida ku xeeran iyo Saameynta badan ee ay ku yeelanaysay kololka qaar,sida Quwadihii Dunida ku hardamayay ee Furus iyo Rooma.


Ilaa uu Quraanku ka waramay kol laga adkaaday Rooma oo ay Muslimiintu Ahlu kitaab ahaan u shinsanayeen.


"غُلِبَتِ الرُّومُ (2) فِي أَدْنَى الْأَرْضِ وَهُمْ مِنْ بَعْدِ غَلَبِهِمْ سَيَغْلِبُونَ (3) فِي بِضْعِ سِنِينَ لِلَّهِ الْأَمْرُ مِنْ قَبْلُ وَمِنْ بَعْدُ وَيَوْمَئِذٍ يَفْرَحُ الْمُؤْمِنُونَ (4) بِنَصْرِ اللَّهِ يَنْصُرُ مَنْ يَشَاءُ وَهُوَ الْعَزِيزُ الرَّحِيمُ (5) وَعْدَ اللَّهِ لَا يُخْلِفُ اللَّهُ وَعْدَهُ وَلَكِنَّ أَكْثَرَ النَّاسِ لَا يَعْلَمُونَ (6).


"Rooma waa laga adkaaday,oo waxaa lagu jabiyay Dhulkii dhowaa,balse dib ayay kuwa ka guuleystay ogaguuleysan doonaan,Sanado yar ka dib,Ilaahay ayaa Talada iska leh mar hore iyo mar dambe,maalintaa-ay Rooma guuleysato-ayay Muslimiintana ku farxi doonaanaan,Nasriga Eebe ee uu siiyo Ciddii uu doono waayo Eebe waa mid ay tiisa socoto oo Raxmad badan,Arintaasi waa Ballan Alle,oo Allana Ballantiisa ma daba maro,laakiin dadka badankooda arinkaa ma oga”.


Aayadahaasi waxa ay ka hadlayaan waa laba Dowladood oo aan Islaam ahayn oo dagaal dhexmaray oo tii si uun ugu dhoweyd ama wax ogala dhaxeeyeen ama u khuseysay Muslimiinta lagu taageeray,waana arin ku tusinaysa Caalaminimada Islaamka.


Si taa la mid ah Rasuulka scw waqtigii uu Daa’if ka soo noqday ee ay Qureysh u diiday in uu Mako soo galo wuxuu u cid dirsaday oo Magan Siiyay Mudcim Binu Cadyi oon Islaam ahayn Dibna u Islaamin.


"بعد عودة النبي محمد وبصحبته زيد بن حارثة من الطائف، وقد لقي من ثقيف ما لقي من إيذاء وضرب بالحجارة، ولما وصل إلى حراء أرسل رجلاً من خزاعة إلى المطعم بن عدي يسأله أن يدخل محمد وزيد في جواره، فقال المطعم: «نعم»، ودعا بنيه وقومه فقال: «تلبسوا السّلاح وكونوا عند أركان البيت فإني قد أجرت محمدًا»، فدخل محمد ومعه زيد بن حارثة حتى انتهى إلى المسجد الحرام فقام المطعم بن عدي على راحلته فنادى «يا معشر قريش إني قد أجرت محمدًا، فلا يهجه أحد منكم» .


"Mudcim kolkii ay soo gaartay fariintii Nabiga scw ayuu inta wiilashiisii iyo Tolkiisii isugu yeeray ku yiri Hubka qaada oo Tiirarka Beydka Istaaga Aniga Muxamad ayaan Magan galyo siiyaye,markii uu gudaha Maka Soo galiyay Nabiga scw iyo intii la socotay ayuu inta Hashiisii ku dul istaagay kor ugu dhawaaqay:-Qureesheey aniga Muxamad iyo inta la socota ayaan Magan siiyay ee yeysan cidna isku dayin in ay weerarto”.


Sidaa ayuuna Nabiga scw Balantaa Mudcim ugu joogay maka ilaa uu si iskiis ah Ballantii ugu celiyay.

Lkn Rasuulka aad ayuu u Ixtiraami jiray Mudcim xitaa isaga oo Gaalnimo ku dhintay ayuu Xusi jiray oo uu Muujin jiray Ixtiraamka uu u hayo.


Waxaa Sugan in Dagaalkii Badar Kolkii Qureysh la jabiyay oo Maxaabiis badan laga soo qabsaday uu Nabiga scw yiri:-


"لو كان المطعم بن عدي حيا، ثم كلمني في هؤلاء النتنى، لتركتهم له»رواه البخاري. حديث رقم: 4024 ).


"Haddii Mudcim Binu Cadyi noolaan lahaa oo uu kuwakan xun-xun igala hadli lahaa waan u sii dayn lahaa oon oga tagi lahaa”.


Heshiiskii Xudeybiya intii uusan dhicin ka hor kolkii laysku sigtay ee ay Qureyshi ogaatay Awoodda Rasuulka scw iyo Asxaabtii la socotay waxay soo dirtay Ergadoodii Nabadoonada u ahaa oo kolkii uu Nabiga scw Sheedda ka arkay hebelo uu garanayo oo ay Qureyshi u soo saartay Heshiiska ku farxay oo uu yiri:-Ilaahay baan ku dhaartaye Qureysh markan Nabada iyo Heshiisku waa ka dhab kolba haday soo dirtay Xeerbeegtidan aan arkayo.


Ilaahay Sarreeye Quraanka ayuu ku tilmaamay sida uu Raaliga oga Ahaa Heshiiskaa Nabadda ee Dhex maray Qureysh iyo Muslimiinta,wuuna ugu Galad sheegtay Eebe Muslimiinta oo wuxuu yiri:-


"﴿ وَهُوَ الَّذِي كَفَّ أَيْدِيَهُمْ عَنكُمْ وَأَيْدِيَكُمْ عَنْهُم بِبَطْنِ مَكَّةَ مِن بَعْدِ أَنْ أَظْفَرَكُمْ عَلَيْهِمْ ۚ وَكَانَ اللَّهُ بِمَا تَعْمَلُونَ بَصِيرًا﴾


"Eebe waa midka Gacmahooda idinka qabtay-Qureysh-idinkuna Gacmihiina ka qabtay iyaga-markii aad ku sugneydeen-waadigii Maka, ka dib kolkii uu idinka guuleysiiyay,Eebana waa mid waxaad Samayneysaan arkaya”.


Caalaminimada Islaamku waa midka Gayeysiiyay in Nabiga scw ay xilfigiisa ka mid noqdeen qabiilooyin Carbeed oo aan Islaam ahayn oo uu xitaa kolkii lagu soo gardarooday Daraadood dagaal u galay,Dagaalkaas oo ahaa kii Aakhirka keenay in Maka lagu furto Kadib kolkii ay Qureysh Jabisay Ballantii kala dhaxeysay Muslimiinta oo ay Soo taageertay Banuu Bakar oo Khuzaaca oo Xulafo la ahayd Muslimiinta Duullaan ku soo qaaday oo ay Sidaasna Muslimiinta Dagaalka ku galeen.


"ولما كان صلح الحديبية، كان في شروط الصلح ما نصّه: أنه من أحب أن يدخل في عقد محمد وعهده دخل فيه ومن أحب أن يدخل في عقد قريش وعهدهم دخل فيه


فتواثبت خزاعة فقالوا: «نحن في عقد محمد وعهده»، وتواثبت بنو الدئل بن بكر فقالوا: «نحن في عقد قريش وعهدهم»

(ابن هشام، السيرة النبوية. القسم الثاني. ص318).


"Markii Heshiiskii Xudeybiya la kala Saxiixanayay ayaa Qodobada lagu heshiiyay waxaa ka mid ahaa:-Qoladii doonaysa in ay Gasho Xiriirka Muxamad iyo Ballantiisa wey gali kartaa,sidoo kalana Qoladii doonaysa in ay gasho Xiriirka Qureysh iyo Ballantooda way gali karaan.


Markiiba Khuzaaca waxay cadeysay in ay Xiriirka iyo Xilfiga Muxamad ku jiraan,sidoo kalana Banuu Bakar waxay cadaysay in ay Xiriirka iyo Xulafada qureysh ka tirsan yihiin”.


Khuzaaca iyo Banuu Bakarna Colaad iyo Dagaal Xiiro-xiire ah ayaa ka dhaxaysay,waana midka Kolkii uu sii Ballaartay gaaray in ay Soo galaan Qureysh iyo Muslimiinta kaas oo Aakhirkiina sababay in la isla Jabiyo Qureysh iyo Banuu Bakar oo ay Muslimiintuna Mako Furtaan.


Islaamku waxba kama qabo in dad aan Islaam ahayn oo si Nabad ah u yimid ama u dagan Dhulka Muslimiinta in ay ku gudan karaan Cibaadooyinkooda u gaarka ah waayo:-


Rasuulka scw wafdi kiristaan ah oo soo booqday wuxuu dajiyay Masaajidkiisa,wuxuuna u ogolaaday in ay ku dhex dukadaan Masaajidka.


Sida xadiiskan ku cad.


"‎قال ابن القيم في (أحكام أهل الذمة): قد صح (!!) عن النبي صلى الله عليه وسلم أنه أنزل وفد نصارى نجران في مسجده وحانت صلاتهم فصلوا فيه، وذلك عام الوفود. انتهى... وذكر هذه القصة أيضاً في (زاد المعاد) فقال المحقق: رجاله ثقات.


Ibnu Qayim waxa uu ku xusay kitaabkiisa Axkaamta Ahlu Dimaha (yacni gaalada Musliimiintu Nabad-galyada siiyeen) in Rasuulka scw ay ka sugnaatay in wafdi Nasaaradii reer Najraan ka mid ahi ay u yimaadeen oo uu dajiyay Masaajidkiisa,kolkii la gaaray waqtigii Salaadoodana ay ku dhex dukadeen Masaajidka oo ay u Dukadeen dhanka bari”.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...