Maayarka Burco Oo Raaligelin Bixiyay + Sababta.

0
Monday July 01, 2019 - 19:59:04 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 5381
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maayarka Burco Oo Raaligelin Bixiyay + Sababta.

    Hargaysa (HWN) Maayarka magaalada Burco Maxamed Yuusuf Cabdiraxmaan (Muraad) ayaa raali gelin

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargaysa (HWN) Maayarka magaalada Burco Maxamed Yuusuf Cabdiraxmaan (Muraad) ayaa raali gelin

siiyay dhigiisa magaalada Berbera Maayar Cabdishakuur Cidin.


Maayar Muraad ayaa hore hadalo  xanafleh warbaahinta umariyay maayarka Berbera Cabdishakuur Cidin " hadaladii xanafta lahaa ee dadku diideen ee inta badan xagayga ka soconayay, inaan halkan dhamaan ummada Somaliland cidii hadalkaasi dhagaysatay ee uu dhibay inaan ka siiyo raaligelin, Cabdishakuur oo ah nin aanu inbadan soo wada shaqaynay waxbadanina naga wada dhexeeyaan, waxyaabihii xagayga kayimidna inaan ka raaligeliyo” ayuu yidhi maayar Muraad oo maanta la hadlay Telefishanka Horncable.



Khilaafka labada Maayar ayaa ahaa mid ay  hadalo xanafleh isku mariyeen warbaahinta.


Waxaana khilaafkan soo afjaray masuuliyiin ay kamidyihiin wasiirka arimaha gudaha Somaliland iyo xubno ka tirsan labada gole deegaan ee ay labada maayar kala hogaamiyaan.

Waxaanay masuuliyiintan isku xilqaamay inay khilaafkan soo afjaraan sheegeen in halkaasi uu ku dhamaaday khilaafkii, labada maayarna ay imika ka heshiiyeen arinkii khilaafka sababay.   

Loading...
Loading...