Qisaddii kalsoon part:1

0
Monday September 25, 2023 - 10:11:07 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 875
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qisaddii kalsoon part:1

    Waxaana u doonay, alaabo kadib ayeey tiri ma waxaad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaana u doonay, alaabo kadib ayeey tiri ma waxaad


Magaceeygu waa kalsoon waxaan ahay gabar la nool eedadeed hooyadeey anoo yar beey dhimatay kadib markii ay hooyadeey dhimatay aabaheey waxa uu ii keenay xaaskiisi kale si ay ii koriso


Waxaan noqday 7 jir eeedadeeyna waxeey dhashay markii ugu horeeysay wiil wiilkii waxa uu noqday sanad jir eedo ayaa iiwacday maalin waan u tagay kadib ayeey igu tiri kaalay wiilkan duudi adeeg ayaan doonayaa inta aan ka imaanaayo sii haay waxaan iri eedo dhulka ayaan ku haaynayĆ a oo ma duudinaayo.



Waxeey igu tiri waxaas iska daa canuga waa uu ooynayaa ee duudi intaan kaaga imaanaayo dhulka ha dhigin haddii uu ooyo hadhoow ayuu idhibayaahe waxaan iri waayahay eedo waana duudiyay, wiilkii sidii aan u duudsanaa una sugaayay goorta ay imaaneeyso ayaan ku daalay canugii waana iska furay, waxaana is iri ku dheelsii dhulka maadaama aan garabka ka daalay,


Isla markii aan furay, canugii waxa uu bilaabay oohin waxaana u doonay alaabo si uu ugu ciyaaro isla markii ayeey eeddo ilbaabka kasoo gashay, anigoo alaabtii usii sido ayeeyna I aragtay wiilkiina ooynaayo. Ee uu dhulka fadhiyo. Inteey xanaaqday ayeey tiri ma intaan kaaga imaanaayo ayaad canuga iisii haayn weeysay, waxaan iri eedo waan ku daalay canuga hadda ayaana dhulka fariisiyay,


Waxaana u doonay, alaabokadib ayeey tiri ma waxaad iga dhaadhicineeysaa canugan yar baan ku daalay nayaa meeqa sano baad soo cuneeysay badar xoog dhabiilkan xageed kala timid yaabaye ma xiligan baad xoogaagi noo xisaabineeysaa.


Aad baan u baqay waana iska aamusay waxeey soo aaday xageeyga Ana siddaan usii sikanaayay baan darbiga ku tagay waxaan u orday canugii sinta ayaana saaray aniga oo is leh Mar haddii aad canuga qaado kuma dili doonto


Balse waxeey si xoog ah iiga qaaday, canugii dhulka ayeeyna fariisiyay, isagoo aad u ooynaayo. Waxaan iri eedo ulaaban maayo markle kaliya markaan iska keey cafi waxeey igu bilaawday, feer waliba waxeey iiga garaacday wajiga dhoowr Mar ayeey dharbaaxsho iiga dhufatay wajiga ilaa markii dambe dhiig kasoo ood koostay sankeeyga ilaa uu dhulka qooyay,


Markii aay aragtay dhiiga iga tubeeynaayo ayeey inteey ila oroday sariirta igeeysay ayeey dhabar dhabar ii seexisay suufka barkinta ayeeyna sanka iiga daarisay, waxaan dareemay xanuun aad u daran oo maskaxda ah madaxeeygi waxa uu ila noqday in biyo ku juraan oo waxaan dareemay isku dhex yaac daran.


Cabaar markii aan jiifay ayeey iga kicisay markaas ayeey igu tiri ogoow haddii aad. Aabahaa usheegto arinkaan waxaan kuu dili doona sidaan ka daran noolaana meeysid. Haddane istaag aabahaa baa soo socdee waxaan iri waayahay wajiga ayaana iska dhaqay, balse wajiga waxaa iga gaaray dhaawacyo la arki karo.


Lasoco part:2


W/Q: Shugri genyo

Asmo mohammed

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...