Sida Looga Gudbo Guuldarada
Dadku guuldarrada kama baqaan; dadku waxay ka baqayaan (ka xishoodaan) dadka kale hortooda.
Hadii aad rabto inaad noqoto qof ku wanaagsan sameynta sheey waa inaad diyaar u noqotaa inaad la kulanto guuldarooyin badan inaad sheey aad xariif ku noqoto waxay qaadataa waqti badan sidaa darteed waxaan u baahan nahnay inaan joogteyno isla markaana aan karti u yeelano inaan niyad jabin ama aan is dhiibin.
Marki aad yareyd kama laba labayn inaad barato sida loo socdo dhib maleheyn natiijada kuu soo baxda isku daygaagii 1aad ama 2 aad ama 50 aad ama 100aad waa sii waday isku daygaagii wax waliba oo kugu dhaco waad istaagtaa talaabo ayaad qaadaa waad dhacdaa mararka qaar dhaawac ayaa ku gaara waxaa laga yaabaa inaad ooysid hadana mar kale aayaad isku daydaa marnaba niydaada kuma soo dhacdo inaad is dhiibtid oo ma dhihin "Aniga kuma fiicni socodka oo layguma talagalin", waxaa cad in iska ilaalinta guuldarada aan barano marki aan weynaano inta aan koritaankeena kusii guda jirno ayaan baranaa in fashilku uu yahay wax xun waxaana baranaa inay tahay wax laga xishoodo inaad guuldareysatid anagoo diidayna in nagula qoslo
Sidee looga gudbi karaa guuldarada? Ma doonaysaa inaad nolosha ku guulaysato iyo in kale? Hadday haa tahay, markaa kac oo ka shaqee hamigaaga. Haddii ay maya tahay, is maweeli oo iska fadhi,Ma jirto waddo kale, ma jiraan xeelado kale ama tilmaamo looga gudbo guuldarada waxa kaliya ee noloshaada bedeli kara waa ficil.
Waan aqbali karaa guuldarada, qof walba wuxuu ku guuldareystaa shay. Laakiin ma aqbali karo inaan isku dayin.
- Michael Jordan
Sida kaliya aad ugu fiicnaan karto sheey ayaa ah inaad diyaar u naqoto inaad ku guuldareysato marar badan.
Abdirahim Abdi
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!