Shan arrimood haddii aanad diyaar u ahayn guur diyaar uma tihid

0
Monday September 25, 2023 - 10:05:37 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1150
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shan arrimood haddii aanad diyaar u ahayn guur diyaar uma tihid

    kala duwanaanta oo aad aqbali karto: badanka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

kala duwanaanta oo aad aqbali karto: badanka



Badanka bulshadu markay ay guursanayso,5 tan arrimood ayaa ugu muhiimsan qofka inuu diyaar u yahay waxayna kala yihiin.


1: isbedel: haddii aad doonayso inaanad is bedellin,inaad meheradahaagii sidii iskaga fadhido,inantuna aroosyadii ay aadi jirtay sidii doonayso inay iskaga tagayso,oo xilli danbe ka imanayso,wiilkuna xilli danbe soo hoyanayo,horta waa mushaakil hadii aad is leedahay sidii hore uun u dhaqan,guurku waa masuuliyad,waa duwanaansho,siddii shalaytoole adigoo iskaabulo ah u dhaqmi jirtay,maanta loo dhaqmi maayo waa inaad midaa xisaabta ku darsato.



2:Goldoloolooyin (khaladaad): waxa hubaal ah in is fahan darro iyo khaladaad dhexdiinna soogaadhayo,labadiinaba,hadii aydaan diyaar u ahayn inaad khaladkiinaas u samirtaan,saxdaan,isuna dulqadataan,waa mushaakil,go'aan dhinac ah keli ku tahay inuu qof degdeg ku qaato waa dhibaato,markaa khalad waa imanayaa waa inaad isu samirtaan intaad isu samrikaraysaan, khaladaadka yar yar ee dhexdiinna yaalla haka waynaado jacaylka iyo nolosha qoyskiina ee dhexdiina taal.


3: Masuuliyad (xilkasnimo): tani waxay doorwayn ka qaadanaysaa nolosha iyo barnaarinta ubadkiinna,masuuliyada qoyska dhextaalla maaha wax dhinac qudha lagu eegayo ama lagu tirinayo,waa masuuliyad idinka dhaxaysa,inaad wiiloow doorkaaga masuuliyadeed qaadato oo maamulka, kala hagaajinta qoyska,amarka,iyo hogaamintaba,waa inaad doorkaagii weeye ee lahataa,sidoo kale inantuna waa inay masuuliyada doorkeedda qadataa, sidda fulinta waxyaabaha seyigeedu u sheegay,ama faray,hagaajinta iyo habaynta guriga,caruurta,iyo.dhamaan daldalooladda yar yar ee banbanaanba,waa inay doorkeedda gabadhnimo qaadataa inantu,hadii aad sidaa quruxda badan midkastaa doorkiisa u qaato waa hubaal in masuuliyadii kasoo baxdeen labadiinuba noloshiinuna ahaatay mid quruxbadan.


4:kala duwanaanta oo aad aqbali karto: badanka isfahan la'aanta ayaa doorka ugu wayn ka qaata burburka qoyska,waa inaad aqbashaa kala duwanaantan aad qofka wax ku kala duwan tihiin tusaalle,xaaskaagu waxay jeceshahay dalxiiska, adiguna maad jeclid dalxiiska,madaama ay iyadu jeceshahay waa inaad aqbashaa duwanaanta ay kaa duwantahay, isla markaanna maalmaha wiiga dhamaadkiisa khamiista ama jimcaha mid ahaan dalxiis gaysaa, sidoo kale cunatada ninkaagu cuno xaajiyadaan la hadlayaaye ayaanad adigu ka hellin, waa inaad aqbashaa ka duwanidaas uu kaa duwanyahay isla markaanna u karisaa cunadaas uu jecelyahay,mar mar ama badi, waxyaabahaas yar yar oo loo fiirsado lagu kala duwanyahay,layskugu dulqaato lana saxo, waxay qayb ka tahay raali ahaanshihiinna wada joogistiina iyo wada noolaanshihiinna,waanna waaritaan dhaba sababto ah idinkoo kala duwan ayaad is fahanteen isna aqbasheen.


5:naf-hurrid: qodobkan ayaa dhamaan 4 tii qodob ee horeba isku fuuqsaday,qodobkani waa naf hurnimo,daacadnimo,naxariis,deeqsinimo,kalgacayl,is fahan, iyo wada nolaanshiyo, marka labadiinuba aad is jeclataan waxkasta oo wanaagsana isla jeclataan,waa naf hurnimo iyo kalgacayl,waaqurux-badanaanayaa gurigaasi,nafihiinna isu hura, wejiyo farxadleh isku muuja oo isku soo dhoweeya,shisheeye haysu arkinina, ee dad hal qudha ah oo midoobay isu arka.


Gebogebo: waxa hubaal ah intaasba hadii aad diyaar u tahay qof diyaar kuulla ahna aad hesho,waad liibanaysaa gurigaasina ma ahaanayo mid xiiso iyo maalmo ku soodhamaadda ee mid waarra ayuu ahaanayaa.

Mahadsanid akhriste.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...