"Mudo Korodhsi & Dibu Dhac Doorasho Waanu Soo Afmeernay" Xildh. Qodax.
Hargaysa (HWN) Xildhibaan
Cabdinasir Qodax oo kamid ah xildhibaanada Golaha wakiilada Somaliland ayaa
sheegay inay soo afjareen dib udhaca ku yimaada doorashooyinka Somaliland.
Xildhibaanka oo
gudoomiye u ah gudi gudoomiyaha Golaha Wakiiladu usaaray iswaafajinta xeerarka
doorashada iyo xeerkii ay gudida beesha Habarjeclo ka soo saartay khilaafka doorashooyinka
Somaliland ayaa yidhi
"Xeer dambe oo lagu
murmo iyo mudo korodhsi iyo dibu dhac doorasho waanu soo afmeernay inay dib u
dhacdo "Xildhibaan Cabdinasir Qodax.
Somaliland ayaa inta
badan waxaa ka dhaca in Madaxwaynaha loo kordhiyo mudo xileedkiisa marka ay ka
dhamaado wakhtiga ladoortay.
Waxaana sanadihii ugu
dambeeyay ka taagnaa muran ku saabsanaa kala soo horaysiinta labada doorasho ee
kala ah doorashada Ururada iyo sidoo kale doorashada madaxtooyada.