Mohamed Ismail Hussein (BALISHIRE) Oo Shaaciyay In Uu Utaaganyahay Doorashada G. Wakiilada SLAND.

0
Sunday September 24, 2023 - 12:41:57 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1398
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Mohamed Ismail Hussein (BALISHIRE) Oo Shaaciyay In Uu Utaaganyahay Doorashada G. Wakiilada SLAND.

    "Sidaas iyo wada shaqayn iyo mustaqbal wacan. Aadbaan idiin salaamayaa dhamaantiin"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Sidaas iyo wada shaqayn iyo mustaqbal wacan. Aadbaan idiin salaamayaa dhamaantiin"



Hargaysa (HWN) Wakiilkii hore ee Somaliland ufadhiyay Dalka Australia Mohamed Ismail Hussein (BALISHIRE) ayaa shaaciyay in uu u taaganyahay doorashada Golaha wakiilada Somaliland ee lagu wado inay qabsoonto 2025ka, haddii alla yidhaa.

 

Safiirka oo qoraal uu arinkaasi ku shaacinayo usoo diray shabakada Hadhwanaagnews ayaa sheegay in uu isbadel uu dalku ubaahanyahay uu keeni doono, waxaanu qoraalka Safiirku uqornaa sidan:-

 

MUSHARAXNIMADA GOLAHA WAKIILADA SOMALILAND EE SOO SOCOTA 2025. HARGEISA CITY. M/JEEX REGION.

 

Tolweynaha Isaxaaq Carre. Akhyaareey waan idin salaamay dhamaantiin. Anigoo ah Amb. Sharmake Falaax Nuuryey. Safiirkii hore ee dawlada Somaliland ee dalka Australia.

 

Fikir badan iyo dabcan wadatashi badan ka dib. Waxaan jeclahay in aan maanta idinla wadaago. In aan u sharaxnahay Doorashada soo socota ee Golaha Wakiilada ee Jamhuuriyada Somaliland.  Taas oo aan aaminsanahay in aan samayn karo isbedel iyo waxqabad balaadhan oo rasmi ah oo lagu kalsoonaan karo.

 

Waxaanan aad iyo aad ugu mahadnaqayaa siyaasiyiintii, Ganacsatadii, salaadiintii iyo dabcan waxgaradkii kalee bulshada ee aanu mudada dheer wada xidhiidhaynay ee igu dhiiri geliyey in aan isa soo Sharaxo doorashada soo socota ee Golaha wakiilada ee Somaliland... Hadii Allaha awooda lihi ogolaado.

 

Sidaas iyo wada shaqayn iyo mustaqbal wacan. Aadbaan idiin salaamayaa dhamaantiin.

 

Waad mahadsan tihiin.

Rep. Mohamed Ismail Hussein (BALISHIRE)

Email address: [email protected]


Loading...
Loading...