Xisbiga Waddani Oo Ka Hadlay Aamusnaanta Ay Galeen Madaxda Somaliland.
Hargaysa (HWN) Afhayeenka
xisbiga Waddani Maxamed Faarax Cabdi ayaa ka dayriyay xaalada ay haatan ku
jirto Somaliland.
Afhayeenka oo saaka
warbaahinta la hadlay ayaa intaasi ku daray in masuuliyiintii uxilsaarnaa
amniga Somaliland ay afka ka xidheen dagaal beeleedyada ka dhacaya deegaano
kamid ah Somaliland, sida dagaalka Cali Saahid iyo deegaanka Ceel Afwayn oo
aanay weli xukuumadu ka hadal.
"Waanu ka xunnahay in
madaxweynihii wasiirkii arimaha gudaha iyo taliye yaashii ciidanku inay ka
aamusaan oo amar bixin waayaan colaadaha deegaanada dalka ka socda ".
Afhayeenka oo hadlkiisa
siiwata ayaa intaasi ku daray "Raad abaareed ayaa ina soo galay, maalinta
maamulkaasi tago uun ayaa dalkani saldhigi doonaa , shacabkuna heshiin doonaa.”
Ayuu yidhi Maxamed Faarax Cabdi oo ah Afhayeenka xisbiga Waddani
Todobaad yadii ugu
dambeeyay waxa aan hadal ama afka xidhay Wasiirka Arimaha gudaha oo amaanka guduhu uu yahay shaqadii
wasaaradiisa.