Doodda Mowliidka Iyo Daliilada Culimada Isku Diiddan.

0
Sunday September 24, 2023 - 10:05:04 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1042
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Doodda Mowliidka Iyo Daliilada Culimada Isku Diiddan.

    Qoloda Diidan Mowliidka Daliilada Ugu Waaweyn

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qoloda Diidan Mowliidka Daliilada Ugu Waaweyn


Xuska Mowliidka Nabiga Scw Iyo In La Weyneeyo Bishii Uu Dhashay Sanad Kasta Waxay Ahayd Caado Soo Billaabatay Qarnigii 4aad Ee Hijriyada,Ilaa Waqtigaana Waxay Ahayd Caado Wasiilo Ah Iyo Cibaadooyin Lagu Dhex Tooray Oo Ay Muslimiinta Badankooda Aqbaleen Culimo Iyo Caamaba Una Arkeen Wax Fiican,Kolka Laga Reebo In Yar Oo Culimada Muslimiinta Ka Mid Ah Oo Diiday Kuna Tilmaantay Bidco Aan Banaaneyn,Maadaama Ay Xafladda Mowliidku Tahay Arin Uusan Nabiga Scw Ogayn Asxaabtiisiina Aysan Sameyn Iyo Taabiciibtii Nooleyd Labadii Qarni Ee Xigay Qarnigii Rasuulka Scw Iyo Asxaabtiisa.



Qoloda Diidan Mowliidka Daliilada Ugu Waaweyn Ee Ay Daliishadaan Ayaa Ah Daliilada Bidcada Xarimaya Sida Axaadiista.


"إياكم ومحدثات الأمور، فإن كل محدثة بدعة وكل بدعة ضلالة”

"Waxaan Idiinka Digayaa Umuuraha Cusub Ee Diinta Lagu Soo Daro,Waayo Bidco Kasta Waa Baadi”.

"من أحدث في أمرنا هذا ما ليس منه فهو رد".

"Qofkii Ku Soo Dara Amarkayaga Kan Ah Wax Aan Ka Mid Ahayn Waa Lagu Celinayaa Oo Laga Aqbali Mahayo”.

"من عمل عملاً ليس عليه أمرنا فهو رد”اخرجه مسلم في صحيحه."

"Qofkii Sameeya Camal Cibaado Oo Aanan Anaga U Dirin Waa Lagu Celinayaa”.

Waxay Kale Oo Ay Daliishadaan Aayado Quraan Ah Oo Ay Ka Mid Yihiin:-

"وَمَا آتَاكُمُ الرَّسُولُ فَخُذُوهُ وَمَا نَهَاكُمْ عَنْهُ فَانتَهُوا ۚ وَاتَّقُوا اللَّهَ ۖ إِنَّ اللَّهَ شَدِيدُ الْعِقَابِ (7)

"Wixii Rasuulka Idiinla Yimaado Qaata Wixii Uu Idinka Reebayna Ka Hara Oo Alle Ka Dhowrsada Waayo Waa Mid Uu Cadaabkiisu Daran Yahay.

"أَمْ لَهُمْ شُرَكَاءُ شَرَعُوا لَهُمْ مِنَ الدِّينِ مَا لَمْ يَأْذَنْ بِهِ اللَّهُ [الشورى:21]".

"Ma Waxay Leeyihiin Shurako Oga Jidaysa Diinta Wax Uusan Eebe Idmin”.

Culimada Jamhuurta Muslimiinta Ee Mowliidka U Arkay Wax Wanaagsan Waxa Ugu Weyn Oo Ay Daliishadaan Ayaa Ah In Ay Badankoodu Bidcadu U Qaybiyeen Laba,Mid Xun Oon Diinta Sal Ku Lahayn Iyo Mid Wanaagsan Oo Diinta Sal Ku Leh,Sida Loo Sameeyay Iyo Wasiiladuba Ha Cusbaato Haday Doontee.

Waxyaabaha Ay Daliishadaan Culimadan Waxaa Ka Mid Ah Axaadiis Ay Ka Mid Yihiin:-

"من سن في الإسلام سنة حسنة كان له أجرها وأجر من عمل، من بعده لا ينقص من أجورهم شيئا، ومن سن في الإسلام سنة سيئة كان عليه وزرها ووزر من عمل بها من بعد ذلك لا ينقص ذلك من أوزارهم شيئا،"[صحيح] - [رواه مسلم]

"Qofkii Islaamka Dhexdiisa Ka Jideeya Suno Wanaagsan Wuxuu Leeyahay Ajarkiisa Iyo Ajarka Intii Kaga Dayatay Ee Ku Camal Fashay,Iyada Oon Kuwa Ku Camal Falay Ajarkooda Waxba Laga Nusqaamineynin,Si Taa La Mid Ah Qofkii Islaamka Dhexdiisa Ka Jideeya Suno Xun Wuxuu Leeyahay Dambigiisa Iyo Dambiga Inta Kaga Dayata Ee Ku Raacda Iyada Oo Kuwaa Ku Raacay Dambiyadooda Aan Waxba Laga Nusqaamineynin”.

Kolka Waxay Leeyihiin Mowliidku Waa Wasiilo Lagu Dhex Sameynayo Sunooyin Wanaagsan Oo Diinta Asal Ku Leh Sida:Saliga Nabiga Scw,Muujinta Jacaylkiisa,Ka Sheekeynta Siiradiisa Iyo Weyneyntiisa,Iyo Sidoo Kale Sadaqada Lala Baxayo,Cuntooyinka La Keenayo Xafladda Oo Giddi Ah Wax Wanaagsan Oo Lays Faray Maadaama Eebe Yiri:-

"وَٱفْعَلُواْ ٱلْخَيْرَ لَعَلَّكُمْ تُفْلِحُونَ ۩

"Khayrka Sameeya Waxaad Mudan Tihiin In Aad Liibaantaane”.

Waxay Kale Oo Daliishadaan In Nabiga Scw Oo La Xuso Eebana Looga Mahad Celiyo Soo Diridiisii Iyo Hanuunka Uu La Yimid Ay Tahay Cibaado Lays Faray,Sida Uu Xadiiskan Tilmaamayo.

"وعن أبي سعيد الخدريرضي الله عنه:- ان رسول الله صلى الله عليه وسلم خرج على حلقة من أصحابه فقال ما أجلسكم قالوا جلسنا نذكر الله عز وجل ونحمده على ما هدانا للإسلام ومن علينا بك قال آلله ما أجلسكم إلا ذلك قالوا آلله ما أجلسنا إلا ذلك قال أما إني لم أستحلفكم تهمة لكم وإنه أتاني جبريل عليه السلام فأخبرني أن الله عز وجل يباهي بكم الملائكة”رواه مسلم.

"Abii Saciid Al Khudri Rc Ayaa Yiri:-Rasuulka Scw Ayaa Ku Soo Baxay Koox Asxaabtiisa Ka Mid Oo Xalqad -Si Weegaar Ah-U Fadhiya,Kolkaasuu Ku Yiri Maxaa Idin Fadhiisiyay,Kolkaasay Ku Yiraahdeen Waxaan U Fadhinaa In Aan Eebe Xusno Oo Aan Uga Mahad Celino Sida Uu Islaanimada Noogu Hanuuniyay Iyo Sida Uu Adiga Noogu Kaa Galladaystay,Markaasuu Nabiga Scw Ku Yiri:Ilaah Baan Idiinku Dhaariyaye Ma Intaasaad U Fadhidaan,Markaasay Ugu Jawaabeen Ilaahay Baan Ku Dhaaranaye Intaasaan U Fadhinaa,Kolkaasuu Nabiga Scw Yiri:-Idiinma Dhaarin Tuhmo Aan Idinka Qabo Ee Jibriil Ayaa Ii Sheegay In Uu Ilaahay Malaa’ikta Idiinkugu Faanayo”.

Waxay Kaloo Daliishadaan Aayadda Oranaysa:-

"قُلْ بِفَضْلِ اللَّهِ وَبِرَحْمَتِهِ فَبِذَٰلِكَ فَلْيَفْرَحُوا هُوَ خَيْرٌ مِّمَّا يَجْمَعُونَ (58)

"Waxaad Ku Tiraahdaa Ilaahay Fadligiisa Iyo Raxmadiisa Arinkaa Ha Ku Farxeen Isaga Ayaa Oga Khayr Badab Waxa Ay Jamcinayaan”.

Raxmada Lays Faray In Lagu Farxo Waa Nabiga Scw Ayay Yiraahdeen Maadaama Mufasiriinta Qaarkood Aayadda Sidaa Ku Fasireen Iyaga Oo Daliishanaya In Eebe Nabiga Scw Ku Sheegay Inuu Raxmad U Yahay Caalamka.

"وَمَا أَرْسَلْنَاكَ إِلَّا رَحْمَةً لِلْعَالَمِينَ[الأنبياء:107].

"Kuuma Aanan Soo Dirin Wax Kale Illaa In Aad Caalamka Raxmad U Tahay Mooyee”.

Tiiyoo Uu Rasuulka Scw Yiri:-

"إنما أنا رحمةٌ مهداةٌ"وصححه الباني.

"Anigu Waxaan Ahay Raxmad La Soo Hadiyeeyay”.

Waxay Kale Oo Daliishadaan In Eebe Laftiisa Weyneeyay Magaca Ambiyadiisa Oo Uu Nabi Maxamedna Scw Ku Jiro Oo Uu Qaarkood Dhalashadooda Iyo Dhimashadoodiiba Xusay.

"وَرَفَعْنَا لَكَ ذِكْرَكَ (4)"

"Waxaan Sare Yeelnay Xuskaadii”

Oo Ay Culimada Ku Fasireen Shahaadateynka Iyo Kalimadda Towxiidka Oo Magaca Eebe Lagu Lamaaniyay Kii Nabiga Scw.

"لا اله الا الله محمد رسول الله"

Waxay Yiraahdeen Haddii Eebe Xusay Oo Weyneeyay Dhalashadii Nabi Yaxye Maxaa Inaga Inoo Diidaya In Aan Xusno Oo Weyneyno Dhalashadii Nabi Muxamad Scw.

"وَسَلَامٌ عَلَيْهِ يَوْمَ وُلِدَ وَيَوْمَ يَمُوتُ وَيَوْمَ يُبْعَثُ حَيًّا (15)

"Nabadgalyo Dushiisa Ha Ahaato-Nabi Yaxye-Maalintii La Dhalay Iyo Maalinta Uu Dhiman Doono Iyo Maalinta La Soo Saari Doono Isaga Oo Nool”.

Waxay Kaloo Yiraahdeen Haddii Eebe Carabka Nabigiisa Ciise Ku Xusay Maalintii Dhalashadiisa,Maxaa Inaga Inoo Diidaya In Aan Xusno Oon Weyneyno Dhalashadii Nabigayaga Scw.

"وَبَرًّا بِوَالِدَتِي وَلَمْ يَجْعَلْنِي جَبَّارًا شَقِيًّا (32) وَالسَّلَامُ عَلَيَّ يَوْمَ وُلِدتُّ وَيَوْمَ أَمُوتُ وَيَوْمَ أُبْعَثُ حَيًّا (33)

"Eebe Wuxuu Ifaray In Aan Hooyaday U Baarinimo Falo,Igamana Uusan Dhigin Mid Wax Khasba Oo Nasiib Daran,Nadabgalyo Dushayda Ha Ahaato Maalintii Lay Dhalay Iyo Maalinta Aan Dhimanayo Iyo Maalinta Lay Soo Saari Doono Aniga Oo Nool”.

Qolooyinka Baneeya Mowliidka Waxay Kale Oo Ku Doodaan In Mowliidku Xafladiisu Ay Wasiilo Ahaan U Tahay Mid Bidco Fiican Ah,Sida Micrafoonka Lagu Addimo Oo Uusan Nabiga Scw Ogayn U Yahay Bidco Fiican Oo Lagu Gutay Cibaado Mashruuc Ah,Oo Si Taa La Mid Ah Xafladda Mowliidku U Tahay Bidco Fiican Oo Wasiilo Uun U Ah Cibaadooyin Mashruuc Ah,Sida Jacaylka Nabiga Scw,Weyneyntiisa,Ku Sallintiisa Iyo Ka Sheekeynta Siiradiisa Iyo Akhlaaqdiisii Wanaagsaneyd Oo Dadka La Barayo Iyo Sadaqada Iyo Wax Taarashada Masaakiinta Iyo Fuqarada.

Waxay Kaloo Sheegaan In Uusan Nabiga Scw Reebin Xuska Mowliidka Oo Uu Ka Mid Yahay Waxyaabaha Ay Rabbi Iyo Rasuulba Ka Aamuseen Raxmad Umadda Loo Sameynayo Darteed Iyo In Ay Heli Karaan Fursado Ay Khayrka Ay Doonaan Ku Soo Bandhigi Karaan,Waxayna Arinkaa U Daliishadaan Xadiiska Oranaya.

"وعنْ أبي ثَعْلَبَةَ الخُشَنيِّ جَرْثُومِ بنِ نَاشِرٍ  عنْ رَسُولِ اللَّه ﷺ قَالَ: إنَّ اللَّه تَعَالَى فَرَضَ فَرائِضَ فَلاَ تُضَيِّعُوهَا، وحدَّ حُدُودًا فَلا تَعْتَدُوهَا، وحَرَّم أشْياءَ فَلا تَنْتَهِكُوها، وَسكَتَ عَنْ أشْياءَ رَحْمةً لَكُمْ غَيْرَ نِسْيانٍ فَلا تَبْحثُوا عَنْهَا حديثٌ حسن، رواه الدَّارقُطْني وَغَيْرهُ."

"Ilaahay Wuxuu Fardiyay Wixii Uu Idinku Faral Yeelay Ee Ha Dayacina,Wuxuu Xadeeyay Xuduud Ee Ha Ka Gudbiba,Wax Buu Idinka Xarimay Ee Ha Ku Dhex Dhicina,Wax Buuna Idiinka Aamusay Raxmad Darteed Isaga Oon Ahayn Mid Wax Hilmaana Ee Ha Baar Baarina”.

Isku Soo Wada Duuboo Kala Aragti Duwanaanta Culimada Ee Xuska Nabiga Scw Ee Bisha Mowliid Waa Mid Ku Tacaluqa Hadba Aragtida Culimada Ka Kala Haystaan Waxa Bidcada La Yiraahdo,Oo Kuwa Diidana Ay Qaateen Daahirka Nusuusta Xarimaysa Bidcada Oo Dhan,Halka Ay Jamhuurka Culimada Bidcada U Kala Saareen Bidco Xun Oon Asal Ku Lahayn Diinta Iyo Bidco Wanaagsan Oo Asal Ku Leh Diinta Iyaga Oo Daliishaday Ficilkii Iyo Qowlkii Uu Amiir Cumar Binu Khadaab Ku Agaasimay Salaadda Taraawiixda Ramadaanka Oo Uu Jamaaco Ku Kulmiyay Ragcadaheediina Uu Ka Badiyay Intii Uu Nabiga Scw Dukan Jiray Ee Sideeda Ahayd Oo Uu Ka Dhigay Labaatan Ragcadood,Kadibna Kolkii Uu Isku Duba Riday Intuu Habeenkii Dambe Gadaal Ka Istaagay Yiri:-

"نعمت بدعتي هذه"

"Alla Wanaagsanaa Bidcadaydan Tan Ah”.

Waxay Kaloo Daliishadaan Athar Ka Sugan Cabdullahi Ibnu Mascuud Oo Ah:-

"عن عبد الله بن مسعود قال (ما رءاه المسلمون حسناً فهو عند الله حسنٌ)

إسناده حسن | التخريج : أخرجه أحمد (3600) واللفظ له، والطبراني (9/118) (8582)

"Waxa Ay Muslimiintu Wanaag U Arkaan Ilaahay Agtiisana Waxay Ka Yihiin Wax Wanaagsan”.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...