Marka Buurta Gacanlibaax Laga Soo Degay Waa In Isjacaylkii Iyo Dhaqankii Wacnaa Loo Noqdo.

0
Sunday September 24, 2023 - 09:23:32 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1221
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Marka Buurta Gacanlibaax Laga Soo Degay Waa In Isjacaylkii Iyo Dhaqankii Wacnaa Loo Noqdo.

    Kolhaddii Buurtii Gacanlibaax Laga Soo Degay Waa In Dadka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kolhaddii Buurtii Gacanlibaax Laga Soo Degay Waa In Dadka



Waxaa Ummadeennii Qalbigeedii Daash Shaday Shir Jaraaid Iyo Baaq Dagaal Oo Saacad Kasta Isu Jawaabaya ,Wax Faaiida Ah Oo Kasoo Naasa Caddina Ma Jiraan. Markaan Waxaa Dadkayga Ku Baraarujin Lahaa Taariikhda Reer Somaliland Lixdan Kii Wixii Ka Horeeyey In Kiisaska Ka Dhex Dhacaaba Aad U Koobnaayeen Kuwaas Oo Nolosha Ummaddeenna, Xoolaheena Iyo Deeqa Xoolaheena Ku Xidhnaayeen.



 

Taariikhduna Waa Muhiin Sida Allahba Quraanka Taariikhda Qisas Hore Oo Dhacay Ugu Xusay. Taariikhdu Wax Kale Maaha Waa Wareegga Dhulka, Wareegga Cadceedda Iyo Dayaxa Wixii Ummadaha Ku Soo Dhacay Ama Kasoo Dhex Dhacay Ayaa Taariikh La Yidhaa Waana Muhiim.


 

Kolhaddii Buurtii Gacanlibaax Laga Soo Degay Waa In Dadka Walaalnimadii Iyo Dhaqankeennii Suubanaa Lagu Soo Noqdo. Laba Tusaale Ayaan Idin Tusayaa Ka Hore Waa Barnaamijka Qudha Ee Somaaliyi Meel Ay Joogtaba Wada Daawadaan Waa Barnaamijka Ee Qudha Waa Barnaamijka Cabdisalaan Hereri Allah Ha Barakeeyee. Anigu Waxaan Idhaa Waa Barnaamijka Nabada Oo Aan U Bixiyey, In (Noble Price) La Siiyuu Ayuu Mudanyey Abdisaan Hereri.


 

Tusaalaha Labaad Waa Abwaanka Weyn Ee Ahmed Saleebaan Bidde Oo Ilaa Maanta Isagoo Sagaashan Jira Dadka, Ummadda Talo Iyo Tusaale Siiya, Kaasoo Garaad Aad U Qiimo Badan Allah Siiyey. 1967 Qiyaasdaydii Wuxuu Tiriyey Hees Uu Qaado Fannaankii Weynaa Ee Ahmed Mooge Libaan Oo Heestaa Inagu Tusey Afar Kiis Oo (Classic) Ah Oo Ah Arimihii Ugu Waa Waynaa Dadka Somalidu Iskaga Hor Iman Jireen Oo Kiis Walba Uu Dul Dhigay Kiiskiisii Jacaylka Isagiyo Inantii Uu U Bixiyey Gaasira. Waatana Dhugta Dhaqankeenii Oo Iska Yar Dhiga Shirarka Jaraaid Ee Dagaaladan Aan Reeraa Dhaqan U Ahaan Jirin Ee Siyaasadda Lagu Saaqiday Inoo Keentay.


 

Heetii...

 

Hadduu Sahan Godoomo Geedo Doonayaa.

Qaar Meel Usii Galay Hadday Gawracaan.


Garta Kii Wax Garadaa Loo Geysan Jiray.

 

Gaasiraay Inaga Yaa Ina Kala Guraaya.


 

Gudidii Is Diidee Gashi Kala Dhexyaalo

Ee Geeri Iyo Dhiig.


 

Garta Inay Dagaalaan.

Garta Ina Sanwynaa Loo Geysan Jiray.


 

Gasiraay Inaga Yaa Ina Kala Guraaya.

 

Hadduu Gugu Da Oo Guunyadu Dhashoo


Iyo Galab Carraw Geeddi Loo Lalabey

Geeljire Harraadani Haddii Beesha Uu Gubo

 

Gartii Kii Wax Garadaa Loo Geysan Jiray.


 

Gaasiraay Inaga Yaa Ina Kala Guraaya.

 

 

Hadduu Guluf Dhaqaaqoo


Maal Gebagebeeyaan

Oo Niman Gabraariyo

Reer-Guri Ka Hoos Kaco


Oo 2da Geesood Uu Gaadhay Xaalkii

Garta Ina Sanweynaa Loo Geysan Jiray


Gaasiraay............

 

 

Afartaa Kiisba Noocii Qudhahaa Ee Somalidu Isu Dili Jirtay Bay Ahaayeen.


 

Hadda Iyo Gebo Gebadii Markii Ayguurtidii Gabtay Wixii Loo Igmaday Habarjelo Hidihii Bay Ku Aroortay Gartii Ina Sanweynay Qaaday , Buurtii Gacanlibaax Waa Lagasoo Degay Dibbaa Dhaqankii Loogu Soo Noqnayaa Iyo Noloshii Berri Samaadkii Soolna Way Soo Noqonaysaahubaal Waayo Isaaq Wey Isjecelyihiin Oo Is Dhaleen Oo Maba Kala Marmaan, Dagaal Dambena Itaalba Looma Hayo.


 

Wa Bilaahi Tawfiiq.

 

Qoraa Bashe-Buurdhegsyste.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...