Dhinacyada Isku Haya Suudaan Oo Sheegay In Ay Diyaar U Yihiin Xabbad Joojin
"General Al-Burhaan ayaa sheegay in uu ku dhiirraday in uu dagaalka ku guuleysto"
Madaxa ciidamada
Suudaan ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in uu la xaajoodo ciidamada ay is
hayaan ee RSF, si loo soo afjaro dagaallada sokeeye ee dalkaas ka socda tan iyo
bishii April.
Mar uu la hadlayay
BBC-da oo uu ka qeyb galayay shirka Qaramada Midoobay ee New York, General
Abdel Fattah al-Burhan ayaa sheegay in uu ku kalsoon yahay in guulo laga gaari
doono wada hadalada nabadeed ee socda.
General Al-Burhaan ayaa
sheegay in uu ku dhiirraday in uu dagaalka ku guuleysto. Maalintii Khamiista,
madaxa ciidamada RSF, Maxamed Xamdaan Dagalo, ayaa isna soo saaray fariin muuqaal
ah oo uu ku sheegay inuu diyaar u yahay joojinta xabadda.
BBC
Loading...
Loading...