Boolis Gacanta Ku Dhigay Wiil Toban Jir Iyo Walaashiis Oo Gaari Lasoo Baxsaday

0
Sunday September 24, 2023 - 07:43:46 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1255
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Boolis Gacanta Ku Dhigay Wiil Toban Jir Iyo Walaashiis Oo Gaari Lasoo Baxsaday

    "labada caruurta ah ay ka xumaadeen hooyadood sababtoo ah…"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"labada caruurta ah ay ka xumaadeen hooyadood sababtoo ah…"



Booliiska Florida ayaa ka argagaxay kadib markii darawal ay istaajiyeen uu noqday wiil 10 jir ah.

 

Wiilka iyo walaashiis oo 11 jir ah ayaa lagu joojiyay magaalada Alachua, oo boqolaal mayl u jirta meesha ay kasoo safreen halkaas oo ay sheegtay in hooyadood in ay ku weyday horaantii isbuucaan. Booliiska ayaa sheegay in labadan qof ay qaateen go'aanka baxsashada kadib markii ay hooyadu ka qaadday qalabkii ay isticmaalayeen.

 

Saraakiishu waxay ogaadeen in "labada caruurta ah ay ka xumaadeen hooyadood sababtoo ah waxay ka qarisay taleefanno iyo qalab kale oo ay isticmaalayeen, waxaana loo sababeeyay in aysan si munaasib ah u isticmaalin", ayuu yiri xafiiska.

 

Booliisku waxay intaas ku dareen inaysan jirin sabab lagu aamino in si xun loogula dhaqmay guriga. Hooyada carruurta ayaa saddex saacadood waqooyi u sii socotay Alachua si ay carruurteeda uga soo qaadato booliska.

 

Da'da sharciga ah ee lagu heli karo ogolaanshaha barashada gudaha Florida waa 15, halka darawaladu ay tahay 18 jir si ay u codsadaan shatiga buuxa


Loading...
Loading...