Somaliland iyo Dawlad Deegaanka Somalida Itoobiya Oo Kawada Hadlay Hagaajinta Xidhiidhka Isku Socodka.
Hargaysa (HWN) Madax ka kala socotay Somaliland iyo Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa maanta kulan ku yeeshay magaalo xuduudeeda Wajaale dhinaca Somaliland.
Kulanka ayaa lagu
gorfeeyay sidii labada dhinac isaga kaashan lahaayeen Ammaanka, isu-socodka
dadka u kala gudbaya labada dhinac iyo
qodobo kale.
Dhinaca Deegaanka
Soomaalida waxa hoggaaminayay hoggaanka nabadgelyada ahna ku-simaha madaxweynaha Deegaanka, taliyaha Booliska
iyo madax kale.
Dhinaca Somaliland waxa
marayay taliye ku-xigeenka Booliska, Agaasimaha guud ee waaaaradda Arrimaha
gudaha iyo madax kale.
Somaliland iyo dawlad
Deegaanka Soomaalida oo muddooyinkii dambe cilaaqaadkoodu xumaa ayaa hadda u
muuqda in ay dib u soo celiyeen wadashaqayntoodii.