Xisbiga Waddani Oo Ku Dhaliilay Xukuumada Muuse Rabshadaha CeelAfwayn & Cali Saahid
Hargaysa (HWN) Xoghayaha
Warfaafinta xisbiga WADDANI Mahmoud Adam Jama "Galaal" oo ka hadlay
rabshado ka dhacay deegaanada Ceelafwayn iyo Cali Saahid ayaa xukuumada Muuse
Biixi ku dhaliilay inay gabis noqdeen hay’adihii amaanka uxilsaarnaa.
Xoghayaha ayaa intaasi
ku daray in xukuumadu ciidan sideg deg ah ugu dirto deegaanada ay ka
taaganyihiin Colaadu.
CeelAfweyn iyo Cali
Saahid
Xukuumaddu waa inay
CeelAfweyn iyo Cali Saahid si degdeg ah ciidan amniga suga u geysaa. Dayac
badan Sirdoonka Qaranka, Ciidamdda Booliiska iyo Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL
ka muuqda. Intaba howl gal degdeg ah
ayaa looga baahan yahay si deegaanadaas nabad gelyada looga sugo.
Madaxweynihii Qaranka
iyo hayadihii amnigu xilka iyo waajibaadkoodii nabad gelyo wey gabeen oo way ka
baaqdeen cid ay ku eegayaanna la garan maayo.
Tan iyo mashaqadii
25/08/2023 ka dhacday Gobolka Sool Madaxweynihii qaraka doorkiisii hogaamineed
iyo isaga shakhsigiisiiba lama hayo. Ama Madaxweyne la'aanshuhu ha sababto ama arimo kale ha jiraan, hayadihii
amnigu waxa ka muuqda fadhiidnimo iyo waajib gudasha la'aan.
Haddii ay 24 saac gudohood xukuumaddu colaadda iyo shaqaaqooyinka deegaanadaas ka howl geli weydo waa in Golaha Wakiiladda JSL si degdeg ah ugu yeedhaa masuuliyiinta ugu saraysa ee hayadaha amniga dalka loo egamaday." Mahmoud Adam Jama "Galaal" Xoghayaha Warfaafinta xisbiga WADDANI.
wararka qaar ayaa sheegaya in dagaaladaasi dhex marayaan beelo walaalo ah oo wada dega deegaanka, isla markaana khasaare dhimasho iyo dhaawac lihiba jiraan.