Banaan Madaxnimo Ma Taalee,Ordoo Buuraha U Doonta.

0
Saturday September 23, 2023 - 09:43:58 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1166
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Banaan Madaxnimo Ma Taalee,Ordoo Buuraha U Doonta.

    Tu Khaas Ahna Bahda H/W Iyo Akhristayaasha.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tu Khaas Ahna Bahda H/W Iyo Akhristayaasha.



Bismillaahi Alraxmaan Alraxiim [A.S.C.W.R.W.B],

 


 

 

Banaan Lagama Helo Madaxnimo,Baab Kalaw Furan,

 

Buuqii Dorashada Waxa Bedelay,Buur La Korayaye,



 

Baabuuraad Afduubto Intood,Toban Bilays Layso,

 

Beel Guuni Baashaada Tahay,Oonad Baqanaynin,


 

Biiga Looma Baahniyo Midaan,Baaxadba Lahayne,

 

Beratankii Halkaasu Galaye,Beegso Tamaryaada,


 

Badheedho Buruud Muujiyo,Qaado Bigil Xoog Leh,

 

Baneyo Haddii Kale Uga Baydh, Barqabyada Qoqay,


 

Bismilayso Ururnimo Haddaadan,Buuxin Karahayn,

 

Beeshayada Dhexa Qaybsato,Uu Badhkood Qadaye,


 

Baaluhu Waxanay Doonayaan,Waa Bilaash Hadale,

 

Boodhka Iska Tuma’o Ka Kaca,Buurahana Booqda.


 

Ismail Abdillahi Handuleh.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...