Hay'adda Lacagta Aduunka Oo War 'Farxad Leh' Kasoo Saartay Deyn Cafinta Soomaaliya
Hay'adda Lacagta
Aduunka ee IMF ayaa warbixin ay kasoo saartay deyn cafinta Soomaaliya iyo halka
ay wax marayaan ku sheegtay, in deynta Soomaaliya lagu lahaa ay kasoo haraysa
oo kaliya $600 milyan oo doolar laba bilood ka dib, halka awal ay ka ahayd $5.2
bilyan oo doolar.
"Madaxda
Soomaaliya waxay sii wadeen inay horumariyaan si ay u buuxiyaan shuruudaha lagu
gaarayo Heerka Dhameystirka HIPC oo ah barnaamijka deyncafinta (dalalka
saaboolka ah ee ay deyntu la degtay) bisha Diseembar ee 2023, markaas oo deynta
dibadda looga leeyahay Soomaaliya lagusoo koobi doono wax ka yar $ 600 milyan
oo doolar marka la eego qiimaha saafiga ah oo dhamaadka sannadkii 2018 ahaa $
5.2 bilyan oo doolar." Ayaa lagu yiri warbixinta.
Soomaaliya ayaa ku
dedaalaysay inay buuxiso shuruudaha deyn cafinta tan iyo markaas, waxaana dhowr
jeer laga cafiyey deymo kala duwan oo ay ku lahaayeen qaar ka mid ah dalalka
caalamka.
Talaabadan ayaa horumar
weyn u ah Soomaaliya maadaama ay u hor seedayso inay soo deynsato lacago ay ku
fuliso hawlaheeda dawladnimo.