Mareykanka Oo Xidhay Nin 'U Basaasayey Itoobiya'
Qandaraasle kasoo
shaqeeyey Waaxda Arrimaha Dibedda iyo tan Cadaaladda ee Mareykanka ayaa loo
xiray eedeymo ku saabsan inuu u basaasay dal kale, oo la rumeysan yahya inuu
yahay Itoobiya.
Abraham Teklu Lemma, oo
ah muwaadin 50 jir Mareykan ah oo asal ahaan kasoo jeeda Itoobiya, ayaa la
xiray 24-kii August, waxaana lagu soo oogay dacwad ku saabsan inuu sirta
difaaca qaranka siiyey dowlad shisheeye, sida ay sheegtay Waaxda Cadaaladda.
Dacwad dambiyeedka ka
dhanka ah Lemma, oo degan magaalada Silver Spring ee gobolka Maryland, kaasi oo
boggiisa LinkedIn ku qoray inuu yahay taxliiliye teknoolajiyad, ayaa waxaa
shaaca laga qaaday Jimcaha maanta ah.
Bayaanka ay ku sheegtay
xarriga Lemma, Waaxda Cadaaladda kuma xusin dalka uu u basaasayey, hase yeeshee
waregeyska New York Times iyo warbaahinta kale ee Mareykanka ayaa dalkaas ku
sheegay Itoobiya.
Sida ku xusan dukumenti
uu qoray dambe-baare ka tirsan FBI-da, Lemma ayaa dhaq-dhaqaaqyadiisa
basaasnimo fuliyey intii u dhaxeysay December 2022 iyo August 2023, isaga oo
kumanaan dollar oo kaash ah ku shubtay akoonada bankiyo ku yaalla aagga
caasimadda Washington DC.
Lemma ayaa akhbaar sir
culus ah ka min guuriyey daraasiin warbixino sirdoon ah oo yaalla Waaxda
Arrimaha Dibedda, wuxuuna siiyey "sarkaal ku xiran sirdoonka dal shisheeye,”
isaga oo ku diraya aalad la isugu diro fariimaha sirta ah.
Xogta ayaa waxaa ku
jiray dukumentiyo, sawirro, qariidado iyo qoraallo xiriir la leh "Dalka ay
quseyso.”
Dokumentiga FBI-da ayaa
soo xigtay farriimo la is-dhaafsaday September 2022, kuwaasi oo sarkaal ajnabi
ah uu Lemma ku yiri "Waa xilligii aad sii wadi laheyd taageeradaada,” taasi oo
Lemma uu kaga jawaabay inuu yiri "waan fahmay.”
"Xiriirada Lemma uu la
sameeyay sarkaalka ajnabiga ah...waxaa ka mid ahaa in laga wada hadlay
dhaq-dhaqaaqyada ciidan ee Jabhad ku lug laheyd dagaal hubaysan oo ka dhan ah
dowladda dalka ay khuseyso," ayaa lagu yiri qoraalka, iyadoo la rumeysan
yahay in loola jeedo dagaalkii Tigray.
Marka laga soo tago ka
shaqaynta Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Lemma, oo haystay ogolaanshaha inuu
ogaan karo sirta culus tan iyo 2020, waxa kale oo uu fallanqeeye maamulka
qandaraasyada kasoo noqday Waaxda Caddaaladda.
Itoobiya ayaa ah dal si
weyn u hela gargaarka Mareykanka, waxaana bishii March halkaas booqday
Xoghayaha Arrimaha Dibadda Antony Blinken.
Lemma waxaa lagu soo
oogay laba dacwadood oo basaasnimo ah iyo mid ah inuu si sharci darro ah u
haystay macluumaadka difaaca qaranka.
Eedeymaha basaasnimada
ayaa lagu muteysan karaa xukun dil ah, halka eedda haynta macluumaadka uu ku
muteysan karo ugu badnaan 10 sano ah oo xabsi ah.