Raysal Wasaaraha Somaliya oo la kulmay Madaxweyne Biden iyo Xoghayaha Guud ee QM
Ra’iisul Wasaaraha
Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa magaalada New York ee xarunta
Qaramada Midoobay kula kulmay madax sarsare oo ay ka mid yihiin, Madaxweynaha
dalka Maraykanka Joe Biden, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio
Guterres, Wasiirka arrimaha debedda ee Imaaraadka Carabta iyo madax kale.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa
kala hadlay madaxweyne Joe Biden sidii dowladda Mareykanku ay u sii xoojin
lahayd taageerada dagaalka lagu ciribtirayo Khawaariijta, qaadista
cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya, si ciidamadeena qaranku ay ula
wareegaan guud ahaan amniga dalka.
Waxaa kale oo ay ka
wada hadleen sidii Mareykanka uu dowladda Soomaaliya gacan uga siin lahaa
barnaamijka deyn cafinta ee gabagabada maraya si loo xaqiijiyo Soomaaliya oo
gaarta horumar iyo isku filnaansho dhaqaale.
Ra'iisal wasaare Xamse
Cabdi Barre iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa dhinacooda ka wada
hadlay xoojinta iyo wada-shaqaynta u dhexeysa hey’adaha Qarmada Midoobay iyo
Soomaaliya, iyaga oo si gaar iskula soo qaaday sidii la isaga kaashan lahaa wax
ka qabashada arrimaha muhiimka ah sida amniga, nabadda, horumarinta, isbeddelka
cimillada iyo hiigsiga yoolasha horumarka waara.
Sida lagu faahfaahiyey
warsaxaafadeed ka soo baxay xukuumadda Soomaaliya, ra'iisal wasaare Xamse Cabdi
Barre ayaa kala hadlay wasiirka arrimaha debedda ee isu-tagga imaaraadka
carabta sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dhinac.