Gudida Garxajis Oo Xukuumada Ku Wareejisay Gaadiidkii Jabhada Gacan-libaax Ay Dhacee.
Hargeysa (HWN) Guddida
Garxajis ayaa Xukuumadda Somaliland ku wareejisay gaadiidkii ay Jabhada Gacan
Libaax hore u qabsadeen.
Waxa madashaasi ka qaybgalay saraakiil ciidan iyo badhasaabka
gobolka Maroodijeex Maxamed Axmed Caalim Tiimbaro.
Waxa kaloo Goobjoog ka
ahaa guddidii dhex dhexaatinta khilaafka ee beesha bariga Burco.
Suldaan Axmed Cismaan
Caddegude oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay inay xukuumadda ku wareejinayaan
baabuurtii jabhadii Gacan Libaax ay qabsadeen oo isugu jiray baabuur ay ka
qaadeen hay’adda Hallo Trust iyo kuwo ay lahayd Xukuumadda Somaliland.
Waxaanu sheegay inay
soo gabo-gabeeyeen arrintii Jabhada Gacan Libaax, waxaanu ammaanay
dhallinyaradii iyo saraakiishii jabhadaasi horjoogaha u ahaa ee aqbalay inay ka
soo deganaan halkaasi.
Dhinaca kale
saraakiisha Booliska Somaliland ayaa goobta ka sheegay in aan dhalinyaradaa
waxba loo raacanyn.