Wafdi Ka Socda Safaarada Maraykanka Ee Muqdisho Oo Kulan Hargaysa Kula Qaatay Gud. Faysal.
Hargaysa (HWN) Guddoomiyaha
xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa maanta kulan la
qaatay wefti ka socday dawladda Maraykanka oo booqasho ku yimid Somaliland.
Weftigan oo uu
hogaaminayo sii-hayaha safaarada Maraykanku kuleeyahay Muqdisho Shane Dixon, oo ay wehelinayeen Xoghayaha
koobaad ee safaarada Maraykanka u qaabilsan siyaaasada iyo dhaqaalaha Geoffrey
Parker.
Kulankan oo ka
qabsoomay magaaladda Hargaysa, ayaa guddoomiyaha UCID iyo weftigan Maraykanka
ah waxay ka wada hadleen arrimo la xidhiidha xaaladaha Somaliland, iyo
xidhiidhka kala dhexeeya Maraykanka.
Sida lagu sheegay war
kooban oo ka soo baxay xafiiska warbaahinta ee xisbiga UCID waxyaabaha ay
labadda dhinaca kulankaasi iskula faaqideen waxaa ka mid ahaa xaaladda guud ee
dalka, arrimaha siyaasadda, doorashooyinka iyo xidhiidhka labada dal ka
dhexeeya.
Kulankaasi waxaa
guddoomiye Faysal Cali Waraabe, ku wehelinayay Xoghayaha guud ee xisbiga UCID
Maxamed Xuseeen iyo Af-hayeenka xisbigaasi Maxamed Bilaal, iyo masuuliyiin kale
oo xisbigaasi ka tirsan.
Geesta kale weftigan uu
hogaaminayay sii-hayaha safaarada Maraykanka Shane Dixon, iyo xubnaha kale ee
la socday ayaa booqasho gaaban oo hal maalin ah ku yimid caasimadda Somaliland
ee Hargaysa.