'' 13 Sanadood ee Kulmiye , Dib ayuun baynu u soconey '' .

0
Friday September 22, 2023 - 08:18:06 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1170
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    '' 13 Sanadood ee Kulmiye , Dib ayuun baynu u soconey '' .

    Xildhibaan Guruuje

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaan Guruuje



Xisbigga Kulmiye wuxuu talada wadanka la wareegey 27-june 2010 iyadoo Wadanka Somaliland gees ilaa gees Nabadgelyo , walaalnimo iyo farxadi taalo oo aan qabiil , qaybsanaan iyo shido midina aanay  jirin .



13 tobonkaas sanadood ee Xisbigaasi talada wadanka hayay sanad walba  halkii aynu horre uga socon lahayn waxaynu dib u soconey laba sanadood , taasoo macnaheedu yahay daqiqad kasta oo ka midda  mudada xisbigaasi talinayay laba talaabo ayuun baynu dib u qaadaynay maxaa wacay talada xisbiga Kulmiye reefas mooyaane is biidh baabuurka horre u kaxeeyaba ma leh .


Hadaba 13 sanadood ee aynu dib uun u soconey hadii aynu sanad walba dib u dhaqaaqaynay 2 sanadood macnaheedu waxa weeye waxa aynu dib u noqoney 26 sanadood , taasoo macnaheedu yahay in aynu marayno 1997 .


Bal qiyaas xaaladii siyaasadeed , dhaqaale , Bulsho iyo amni ee aynu maraynay 1997 iyo halka aynu maanta joogno 2023 .


1997 Ciidanka Qaranka Somaliland wuxuu markii ugu horaysay tagey Magaaladda Oog oo shaqaaqo ka dhacdey , shaqaaqooyin beeleed ayaa meelo badan ka socdey , baaqyada qabiilka ayaa subax walba joornaaladda kusoo bixi jirey , dhaqaaluhuna wuu liitey .


Si kastaba ha ahaatee  2023 Ciidanki wuxuu kusoo noqdey Oog , Beelihi waxay kusoo noqdeen saxaafaddii , shaqaaqooyinki waxay kusoo noqdeen reeraha dhaxdoodii , dhaqaalihi isna wuxuu kusoo noqdey dhulkii ilayn dib ayuun baynu usoconay 13 sanadood ee Kulmiye .


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...