Somaliland Waxa Ay U Baahan Tahay Hogaamin Siyaasadeed Oo Hal Abuur Leh .
Waxa la abuuri kari
waayey hal abuur hogaamineed iyo jiheyn umadeed oo ku fadhida aragti iyo
istaratijiyad siyaasadeed oo qarankani lagu hago waxa ay ka dhigan tahay
hogaamiye maynaan helin leh haybad hogaamineed ( charismatic leader ).
Waxa inoo noqotay
halbeeg iyo miqiyaas xukuumadii hore , madaxweynihii hore iwm oo iyaguba
qarankani aan ku hayn hal abuurnimo hogaamineed iyo hab maamul oo ay leeyihiin
ee daba taagnaa uun habkii Cigaal dalka u soo maamulay iyo waxii uu yabyabay.
Sidoo kale la iskuma
dayin xataa qaab dhismeedka xukuumada in si dhab ah loo dejiyo oo uu qaranku
yeesho hay'ado , wasaarado sharci leh oo la Isla yaqaano ( institution
building) si aynu u helno nidaam shaqeynaya oo looga maarmo hebelo lagu
mashquulo.
Waxaa loo shaqeynayaa
sidii saxda ahayd si ku lid ah oo hadba madaxweynaha yimaada ayaa hoos yaaciisa
iyo raaligalintiisa loo baratamaa , waxaana uu dawladnimadii iyo nidaamkii
umadu lahayd uu ka dhigaa hadba sida doonistiisu tahay , sababta oo ah xeer iyo
sharci xakeemaya iyo xayndaab maamul oo haykal adag oo sharci ku taagani ma
jiro haduu jirona lama raaco.
Dawladnimadii waxaa
laga dhigtay wax dadka in koobani danahooga ku ilaashadaan oo umada isugu
qaybisa marba sida ay ugu badinayso iyo jidka ugu dhow ee wax lagu heli karo
waxaana ka dhashay waxaa aynu maanta arkeyno ee la yaabanahay.
Waxaa soddonkii
sanadood ee qarankani jiray umada la isugu jiheeyey reero iyo beelo waxaana si
qaldan loo jiheeyey dadkii oo halkii wacyigooda dawladnimada, waxa ay uga baahan yihiin xukuumada, waxa ay wax ku kala dooranayaan iyo halbeega
ay dawlada wanaagsan iyo ta xun ku kala saari lahaayeen la dhisi lahaa maskaxdooda
laga buuxiyey reer hebel iyo markii hebel.
Waxaa dawladnimadii u
xuub siibatay wax u shaqeysa inta ladan ee dalka oo marba cidii ay danahooga ka
dhex arkaan taageera , waxaana ku adeeg la'a 99% dadka jamhuuriyada Somaliland
oo dan yar iyo dadka dabaqadaha dhexe u badan, waana cududa dalkani leeyahay, cashuur iyo cod bixiyeyaasha ugu badan oo aan hadana siyaasada qaranka
saameyn ku lahayn.
Waxaa soddon sanadood
la soo dhaafi laayahay halgankii umadani wada lahayd oo in koobani sheegato
lagana dhigtay shaadh qofwaliba xidho , iyo cadaw siyaasadeed oo koonfur ah oo
dadka loo sheego , marna la yidhaahdo wadahadalo ayaanu la fureynaa iyo wax baa
isugu keen jira.
Waxa aan waxba ku soo
kordhin wax ka dhaca mooyaane dantii guud iyo waxii maamulkii hore ka tagay oo
qofwaliba waxa uu ka garaabi karaa marka uu eego baaahiyaha aasaasiga ah halka
meesha uu ku nool yahay ka taagan tahay , sida dadka dalka ee sii badanaya
aanay ula kordheyn goobihii caafimaadku sida cisbitaaladii & MCH yadii ,
biyihii , wax soosaarkii beeraha , xoolaha, badda , hal abuurkii dadka , tayo
la'aanta waxbarashada iyo qorshe la'aanta xukuumadaha kala dambeeyey iwm ah.
Waxa kaliya oo dalkani
qabsaday oo ay odayadii dhaqanku Alle ha karaameeyee umadani u abuureen waa
amni ka unkamay heshiisyadii beelaha iyo shirarkii nabadeynta ee wax garadkii
Guurtida ahaa sameeyeen oo ilaa maanta aynu kaga wanaagsan nahay dalal badan oo
jaararkeena ah.
Waxa labaad waa
dastuurka dalka jamhuuriyada Somaliland ee uu libintiisa leeyahay madaxwayne
Maxamed Ibraahim Cigaal oo ah waxa ina kala haga isla markaana doorashooyinka
iyo xuquuqaha muwaadiniinta ee maalin walba qaar lagu xadgudbayo ku xusan
yihiin oo ah waxa halkaasi aynu ku soo gaadhnay .
Wax kale oo muhiim ah
oo intani soo raacaa oo dawladnimada qiimo ugu fadhiyaa ma jiro , jid la dhiso
iyo daar la dhisaa macno weyn oo ay leedahay ma jirto hadii aan dadkeenu
dhisnayn dhinacwalba oo horeba waa u burbureen .
Maanta waxa mar kale
horyaalla qofwaliba in fursadani qaaliga ah ee ururada siyaasada uu la yimaado
hankiisa iyo hibadiisa hogaamineed si umadan loogu abuuro nolol wanaagsan, deganaasho siyaasadeed, horumar oo dalkani uga mid noqdo dalalka
maanta aduunka ugu horeeya dhinacwalba.
Mohamed Abdi Jama
Mohamed Dhimbiil
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!