Golaha Wasiirada Somaliland Oo Ansixiyay Xeerka Hawlgabka Shaqaalaha.
"Xeerkan ayaa dhigaya in qofka shaqaalaha dawladda ahi hawlgab ku noqdo 65 jir"
Hargaysa (HWN) Shaqaalaha
dawladda ee Somaliland ayaa markii ugu horraysay loo sameeyay xeerka hawlgabka
kaas oo fursad fiican u ah shaqaalaha.
Guddoomiyaha hay’adda
shaqaalaha dawladda Khaalid Qodax, ayaa soo dhaweeyay in maanta Golaha
wasiirrada Somaliland qalinka ku duugaan xeerkan.
"Waxa aan ku
faraxsanahay in maanta Golaha Wasiirradu ansixiyeen Xeerka iyo Siyaasadda
Hawlgabka Shaqaalaha Dawladda oo aanu muddaba ka shaqaynaynay. Waxa aan
hambalyo iyo mahadnaq u dirayaa cid kasta oo nagala shaqaysay gaar ahaan
Madaxweynaha Qaranka, xunbaha gollaha wasiirada iyo dhamaan shaqaale weynaha
dawladda.” Ayuu yidhi.
Xeerkan ayaa dhigaya in
qofka shaqaalaha dawladda ahi hawlgab ku noqdo 65 jir.
Loading...
Loading...