Cali saahid Sool Igaga Daran,Sahan Xumaantoodu,

0
Thursday September 21, 2023 - 11:17:28 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1195
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cali saahid Sool Igaga Daran,Sahan Xumaantoodu,

    Tu Khaas Ahna Bahda H/W Iyo Akhristayaasha.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tu Khaas Ahna Bahda H/W Iyo Akhristayaasha.



Bisimilaahi Alraxmaan Alraxiim [A.S.C.W.R.W.B]

 


 

 

Somalilaan Waxa Ku Dhacay,Seben Colaadeedee,

 

Saf Balaadhan Loo Soo Galo,Soola Laga Qaaday,



 

Siyaasadiiba Siqiirtooy Ku Timid,Saxal Abaareede,

 

Sidaa Kalese Way Saxantahayo,Siigo Kuma Duulin,


 

Sababtana Dadkeeda Lahoon,Yeelin Saqajaanka,

 

Sumcadodu Waxay Saarantay,Samada Guudkeeda,


 

Sahal Laguma Soo Doonto Iyo,Saaqid Amarkiisa,

 

Sujaacyaa U Heegan Ah Waxay,Doonayaan Sugaya,


 

Saqda Dhexe Salaadiyo Habeen,Gelin Ma Seexdaan,

 

Soo Jeedku Waa Caadadood,Cadaw Salraadgoyntu,


 

Sinaba Iigama Baxsado,Cadawaan Saaray Dhaayaha,

 

Sawaxili Iyo Axmaara Kufsaday,Quruxdii Reer Soole,


 

Sanweyntii Jareerta Ku Qaba,Sabadan Laaskeenan,

 

Sahara Iyo Sulekhaan Arayoon,Selelayoon Toosay,


 

Soomaalilaan Baan Jirayn,Sool Hadday Maqantay,

 

Seexan Maayo Aniguna,Intay Maqantay Saadaashu,


 

Allahayow Adigaa Saatir Ahe,Samaha Noo Soo Rog.

 

Ismail Abdillahi Handuleh.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...