Carartaa Iyo Dhamaan Ciidan Noqotaanba,Malaha Caafimaad Kuma Ledaan Caynta Iyo Soolsha.
Tu Khaas Ahna Bahda H/W Iyo Akhristayaasha.
Camalkii Colaad Ninu Yahayon,Cadaw Ka Soo Laaban,
Cadhada Ururtay Ciilku Qabana,Cidi Malaynaynin,
Cududna Haysta Ciidiyo Cirikiyo,Ciidan Tiro Beel Ah,
Ciyaar Iyo Ninkii Ula Yimaada,Wuxuu Calool Diiday,
Caqlan Kaa Kaxaynayn,Cabsina Caadil Kuma Beerin,
Cagta Inuu Wax Mariyu Raba,Cadawna Meel Saaro,
Celinayo In Badan Joog Nidho,Ugana Caal Weynay,
Caalmkana U Sheegno Ma Jiro,Ciduu Dhegaystaaba,
Caadil Wuxu Ka Qaybshaba Duqani,Wuu Cartamaya,
Caraarte Oo Carada Uga Tagtiyo,Ciidan Dalabtaanba,
Cisho Dhaw Col Waa Lama Huraan,Ciidaas Oloshaaye,
Caruuri Geel Ay Qaadaan Fogaano, Waa La Soo Celine,
Caafimaad Malaha Kuma Lidaan, Caynta Iyo Soolshan.
Ismail Abdillahi Handuleh.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!