Maxaa kala qabsaday Xariir Axmed iyo kabal-yeerigii uu liin macaanta ka dalbaday?
Suugaanta Soomaalidu waxay kaalin muhiim ah ah kaga jirta dhaqanka iyo afka Soomaalida, waxaana sannad walba masraxyada caalamka iyo kuwa Soomalidaba kasoo muuqda fannaaniin Soomaaliyeed oo suugaantooda ku kasbada malaayiin ruux.
Xariir Axmed ayaa ka mid ah fannaaniinta sannadkan masraxyada caalamka kasoo muuqanaya ee kasbanaya taageereyaasha daafaha dunida kala jooga.
Xariir Axmed waxa uu kamid yahay fannaaninta Soomaalida ee loogu jecel yahay waqtigan.
Fannaanka oo socdaalkiisu ka soo bilaabmay magaalada Jigjiga ee caasimada Deegaanka Soomaalida ayaa London u jooga in uu bandhig faneed u qabto taageerayaashiisa.
Hobalkaan ayaa horraantii sannadkii 2014kii fankiisa kasoo bilaabay magaalada Jigjiga ee caasimada Deegaanka Soomaalida, kaddib xiiso joogto ah oo uu u qabay fanka tan iyo yaraantiisii.
"Waxaan ahaa qof yaraantiisii jecel fanka, asxaabtayda iskuulka ayaan madadaalin jiray xilliyada fasaxa, iyaga ayaa igu dhiirigeliyay in aan fanka kusoo biiro, haddana waxaan is arkay aniga oo badweynta ku dhex jira.” Ayuu u sheegay BBC-da.
Waxa uu sheegay in ka fannaan ahaan shaqadiisu tahay in uu soo gudbiyo dareenka bulshada iyo ka jawaabista mowjadaha nolosha ee ku hareeraysan, isla markaana wakhtiga ugu badan uu geliyo sidii uu fankiisa uga dhigi lahaa mid guuleysta.
"Waxaan ka heesnaa dareenka bulshada iyo qisooyinka ay nala wadaagaan abwaaniinta oo ay mararka qaar u qoraan si mucjiso ah,” ayuu yidhi Xariir Axmed oo intaas ku daray, in badanaa aanu qaadin heeso ka turjuma noolashiisa shaqsiga ah.
Xariir Axmed ayaa sheegay in kusoo biiritaankiisii fanka uu kala kulmay caqabado badan, balse u heellanaanta iyo in aanu joojin hammigiisu ay u sahleen inuu ka gudbo duruufihii adkaa ee uu soo maray.
"Marwalba oo aad bilowdo wax cusub, caqabad ayay leedahay, anigu caqabad ayaan kala soo kulmay bilowga waayahaygii fanka, qof kasta oo fanka ku cusubna waa uu la kulmi karaa caqabado kuwaasi lamid ah.” Ayuu yidhi.
Heesaha Hirgalay ee Xariir.
Sagaal sannadood oo uu ku jiro fanka Soomaalida, Xariir ayaa sheegay in uu ka helay waayo-aragnimo ku filan iyo in uu jecel yahay in fanka Soomaalidu uu dunida meel sare ka gaadho.
Fannaanka ayaa sheegay in heesta ugu saamaynta badan heesahiisa ee uu ugu jecel yahay ay tahay heesta la magac baxday "Baddaan waligeed dhammaan” oo ah hees jaceyl ah oo uu sameeyay Al-fanaan mulaxamiste Zakariye Kobciye. Waxaa uu sheegay in aanay wadan qiso gaar ah heestani balse uu isagu naftiisa u dhageysto xilliyada uu u baahdo.
"Waa hees jaceyl ah, Somaalida ayaa aad u jecel, anigu naftayda ayaan la jeclahay” ayuu yidhi.
Heestan waxa midhaheeda ka mid ah:
"Baddaan waligeed dhammaan
Biyaha ku jiraan yaraan
Jaceyl dhabaoon baab’ayn
Illaa barigaan ciraysto
Xasuustaadaan ba'ayne
intaan ifka baaqi sii ahay
Booskayga qof kale ma yeesho”
Muuqaalka heestan oo lasoo geliyey kanaalka Youtube-ka Fannaanka May 28, 2021 ayaa ilaa iyo hadda waxaa daawaday dad kor u dhaafaya 10 Milyan oo qof.
Xariir Axmed ayaa sheegay in loo baahan yahay in la ilaaliyaha xuquuqda heesaha isla markaana ay maamulada Soomaalidu iska kaashadaan sidii ay u ilaalin lahaayeen fanka iyo suugaanta Soomaalida.
"Ma aaminsani in fanka Soomaalidu sii dabar go’ayo, balse waxaan soo jeedin lahaa in laga war-hayo fannaaniinta iyo wax-soo-saarkooda isla markaana la taageero hal-abuurka.” Ayuu BBC-da u sheegay.
Muusigiisa ayuu badanaa kusoo bandhigaa jacaylka. Heesaha sida "Liin Macaan" iyo "Mar dhibsaday Fogaantaada" ayaa si weyn u soo jiitay taageerayaashiisa. Erayada hodanka ah ee labadan heesood ayaa muujinaya jacaylka, qoyska, iyo quruxda wada jirka lammaanaha.
Heesta Liin Macaan ayuu sheegay in ay ku jirto kaalinta labaad ee heesihiisa, muuqaalka heestan oo lasoo geliyay kanaalka Waqal Studiyo ayaa waxaa ilaa iyo hadda daawatay 21 Milyan oo qof.
Waxaa uu sheegay in markii ay heestan soo baxday laba sannadood ka hor, in qiimaha liin macaantu uu sare u kacay dhulka Soomaalidu degto, waxaanu yidhi: "Anigu Liinta aad baan u cabbaa, beri aniga oo safar ku maraya Gabiley ayaan galay maqaaxi, waxaan ka dalbaday liin macaan iyo cunto, ninkii ii adeegay ayaa intuu isoo eegay igu yidhi, ‘Liinta aad qaaliyeysay aniga ha I’ weydiin ee cunada cun.’”
"Ma moodeyn in heestani ay qiimaha Liintu kicinayso” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.
Ereyada heesta Liin Macaan waxa ka mid ah:
Midab Ouruxeey Muuq Wanaageey
Innagoo Mid ah oо Mataano ah
Markay nacabkeenu maqlaan
Ku mashquuliyo Mixnadoodii.
Meel ay geeyan markay waayan
Murugiyo ciil ha mutaystaan”
"Muxibbada aan marwooy kuu qabo
Kol aan miisan mar is-idhi saar
Ka mug waynaa alla masali kale
Sida malabkaan alla kuu muudsan lahaa
Mur murcoodkiyo
Sida midhihii liin macaantan
Kuu miiran lahaa”
Hobalka ayaa sidoo kale sheegay in uu leyahayXirfadda laxameynta heesaha.
"Inta ugu badan heesaheygu aniga ayaa laxameeya, waa xirfada kale ee ii sahashay guusheyda” ayuu yidhi
Xariir Axmed ayaa si qoto dheer ugu mahadceliyay taageerayaashiisa oo si hagar la'aana ah u garab istaagay fankiisa sababna u noqday in uu gaadho heerkan.
"Waxaan marwalba u mahadceliyaa taageerayaashayda, iyaga ayaa sabab u ahaa meeshan aan maanta taaganahay, waxa ay kamid yiiin qoyskayga.” Ayuu yidhi.
Hobalkan caanka ah ayaa rumeysan in fanku aanu mudnayn in la suurad-xumeeyo isla markaana haddii si wanaagsan loo adeegsado lagu beddeli karo nolosha bulshada.
bbc/somali