Baanka Somaliland Oo Digniin Udiray Sariflayaasha & Sababta.

0
Wednesday September 20, 2023 - 10:41:32 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1683
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Baanka Somaliland Oo Digniin Udiray Sariflayaasha & Sababta.

    "waxa uu diginin kama danbaysa u dirayaa sariflayaasha kor ku xusan"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"waxa uu diginin kama danbaysa u dirayaa sariflayaasha kor ku xusan"



Hargaysa (HWN) Baanka dhexe ee Somaliland ayaa digniin kama dambays ah u diray sarrifleyaal ku xadgudbay sarrifka lacagaha qalaad oo lacag dheeraad ah ku daray qiimihii baanku u jaray.

 

Sidaasna waxa lagu sheegay qoraal ka soo baxay Baanka Dhexe ee Somaliland, waxana digniintaas lagu socodsiiyay 10 sarrifle oo lagu arkay inay qiime dheraad ah wax ku sarifeen.

 

Kuwaas oo kala ah sariflayaasha, haa, Al-hadiya, Beddel, Rayaan, Sanyare, Aljazeera, Laki, Dubad, Aw Cali, Galow.

 

"Baanka dhexe isaga oo ka duulaya waajibaadka ka saran xasilinta suuqayada  sarifka, ilaalinta qiimaha shilinka Somaliland iyo in bulshadu ay hesho adeeg sarif oo dhammeystiran, waxa uu diginin kama danbaysa u dirayaa sariflayaasha kor ku xusan oo caadaystay in ay kala dhantaalaan adeeggooda sarifka ee ay bulshada siiyaan, iyaga oo xidhaya ama dheeraysiinaya gacanta danbe, taas oo baalmarsan xeerarka Sarifka.

 

Sidaasi darted waxa la idin faraya in aad furtaan gacanta danbe ama aad ku soo celisaan sicirka baanku soo saaro ee adeeggiina safirka  sida ugu dhakhsaha badan, haddii aad fulin waydaan waxa baanka dhexe idinku wargelinaya in la idinka qaadi doono tallaabo sharciga waaqsan.”

 


Loading...
Loading...