Xildhibaan Raaligelin Ka Bixiyay Gaadhi Jabhada Garxajis Dhacday

0
Wednesday September 20, 2023 - 10:31:16 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1355
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Raaligelin Ka Bixiyay Gaadhi Jabhada Garxajis Dhacday

    "waa mid nasiib darro ah in gaadhi labaad ay dhacaan"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"waa mid nasiib darro ah in gaadhi labaad ay dhacaan"



Hargaysa (HWN) Xildhibaan Maxamed Khadar Daahir  oo ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland ayaa ka hadlay dhacdo shalay   Kooxda hubaysani ay  magaalada Burco kaga dhaceen Gaadhi ay leedahay  Wakaalada Biyaha.Burco

 

Maxamed   Khadar Daahir ayaa  tilmaamay in shacabka  Somaliland uu ka raaligelinayo gaadhigii kooxda hubayaysani  ay ka soo kaxaysteen Magaalada  Burco.waaxaanu intaa  ku daray in ay jiraan  dad  aan jeclayn  nabadda.

 

Xildhibaanka oo arrimahaa ka hadlayayna waxaa uu yidhi "Waxaan shacabka Somaliland guud ahaan ka raaligelinayaa in manta (shalay)  gaadhi labaad la dhaco,iyada  oo  nimankaa jabhada ah gaadhi ay dhaceen Maalin dhawayd oo aanu dib usoo celinay.waa  mid nasiib  darro ah in gaadhi labaad ay dhacaan,waxaanan leenahay shacabka Somaliland arintaa laguma wada socdo.annaga  ayaa  isku noqonayna oo isku  caqlicelinayna  waanan qabanaynaa marka ay qaldan yihiin waana in sida caqliga loo shaqeeyo  waana in  laga  dhawrsanaado qadiyad  kasta oo nabada dhaawacaysa qof  kasta oo xasilinta nabadda ka soo horjeesta  waynu  iska qabanaynaa,wax la soo dhaweeyana  maaha.waxa  jira dad  aan jeclayn nabadda gaadhigana  waa in ay iskaceliyaan   oo odayaasha ku  wareejiyaan raalina  kama nihin   arintaas,”.


Loading...
Loading...