Sir La Qoolay Suuqyada La Gubay,Sool Colaad Geliya,Salkayaanay Dhigin Laantu Bay Sixir Ku Gaadheen.

0
Wednesday September 20, 2023 - 09:51:56 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1035
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sir La Qoolay Suuqyada La Gubay,Sool Colaad Geliya,Salkayaanay Dhigin Laantu Bay Sixir Ku Gaadheen.

    Bismillahi Alraxmaan Alraxiim [A.S.C.W.R.W.B]

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bismillahi Alraxmaan Alraxiim [A.S.C.W.R.W.B]

 



Tu Khaas Ahna Bahda H/W Iyo Akhristayaasha.

 

 

Sir Loo Qoolay Somaliland,Socodka Loo Diiday,


 

Sool Weerar Suuqyada Gubo,Suniyo Boog Siiya,

 

Siyaasadii Talyaanigu Baray,Nagu Salgooyeene,



 

Sirmaqabe Allaw Sahanahon,Seejin Marinkiisa,

 

Suuldaaro Lay Dhigo Horeba,Laygu Sudhiwaaye,


 

Sixiriyo Hadda Faal Dhigtan,Meel U Socon Mayo,

 

Saadaanu Nahay Aanu Karin,Salawga Shaydane,


 

Sadbursiimo Iyo Waxan Ka Heli,Deeq Siyaado Ahe,

 

Sanka Dhuudhigiyo Boontu Waa,Siday Ku Ceeshan,


 

Sadarada Quraane Ku Qoran,Calanka Noo Saaran,

 

Saatirkeen Ka Magan Gala,Intuu Sixirku Guuraayo,


 

Saliga Iyo Salaada Iyo Ducaduun,Saakin Ku Ahaada.

 

Ismail Abdillahi Handuleh.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...