Midowga Yurub Oo Hakiyay Cunnada Gargaarka Ah Ee Soomaaliya Kadib Xatooyo Baahsan
Midowga Yurub ayaa si
ku meel gaar ah u hakiyay dhaqaalihii uu siin jiray Barnaamijka Cunnada
Adduunka (WFP) ee Soomaaliya, sida ay Reuters u sheegeen labo sarkaal oo sare
oo ka tirsan Midowga Yurub Isniintii, kadib markii baaritaan ay Qaramada
Midoobay samaysay lagu ogaaday xatooyo baahsan iyo si xun u isticmaalka
gargaarka loogu talagalay in looga hortago macluusha.
Guddiga Yurub ayaa in
ka badan 7 milyan oo doollar oo gargaar ah siinayay howl-gallada WFP ee
Soomaaliya sannadkii hore, taasoo qayb ka ah in ka badan $1 bilyan oo deeq ah
oo ay heshay, sida ay muujinayso xogta Qaramada Midoobay.
Balazs Ujvari, oo ah
afhayeenka guddiga Yurub, si gaar ah uma uusan xaqiijin ama u diidin hakinta ku
meel gaarka ah, laakiin wuxuu yiri: "Ilaa hadda, Midowga Yurub lama
ogaysiin la-hawlgalayaasheeda Qaramada Midoobay saameynta dhaqaale ee
mashaariicda uu maalgeliyo Midowga Yurub."
"Si kastaba ha
ahaatee, waxaan sii wadi doonaa inaan la soconno xaaladda oo aan ixtiraamno
habkayaga dulqaad-la'aanta ah ee ku wajahan musuqmaasuqa, gacantogaaleysiga ama
wax isdaba marinta."
WFP isla markiiba kama
aysan jawaabin codsiyada inay faah-faahin ka bixiso arrintan.
Sarkaal sare oo ka
tirsan Midowga Yurub ayaa sheegay in go’aankan la qaatay kadib markii
baaritaankii Qaramada Midoobay lagu soo gabagabeeyay in mulkiilayaasha dhulka,
maamulka deegaanka, xubno ka tirsan ciidamada ammaanka iyo shaqaalaha gargaarka
ay ku lug leeyihiin xatooyada gargaarka loogu talagalay dadka nugul.
Sarkaalkan oo diiday in
magaciisa la shaaciyo ayaa sheegay in gargaarka dib loo soo celin doono kadib
markii ay WFP buuxisay shuruudo dheeraad ah, sida hubinta la-hawlgalayaasha ku
sugan gudaha Soomaaliya. Sarkaalka labaad ee sare ee Midowga Yurub ayaa
arrintan xaqiijiyay.
VOA Somali, waxay la
xiriirtay xaafiisyada Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub ee Soomaaliya, welina
wax jawaab degdeg ah kama aynaan helin.
VOA